Maanta oo taariikhdu tahay 11 July, 2016ka wuxu Hoggaanka Xisbiga WADDANI go’aamiyey in Mudane Cabdi Haybe Maxamed uu noqdo Xoghayaha Hawlaha Guud iyo Guriyeynta ee Xisbiga WADDANI

0
328

Hargeysa(Warsugannews)Maanta oo taariikhdu tahay 11 July, 2016ka wuxu Hoggaanka Xisbiga WADDANI go’aamiyey in Mudane Cabdi Haybe Maxamed uu noqdo Xoghayaha Hawlaha Guud iyo Guriyeynta ee Xisbiga WADDANI

KU: Cabdi Haybe Maxamed =Hargeysa=

OG: Guddida Fulinta Xisbiga WADDANI =Hargeysa=

OG: Hoggaanka Xisbiga WADDANI =Hargeysa=

OG: Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI =Hargeysa=

Ujeeddo: Magacaabis Xil
Markaan darsay: Qodobka 28aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI
Markaan Arkay: Baahida loo qabo in la buuxiyo Jagada Xoghayaha Hawlaha Guud iyo
Guriyeynta
Markaan la Tashaday: Xubnaha Hoggaanka Xisbiga WADDANI

Markaan ku Qancay: Waayo-Aragnimada iyo Aqoonta uu leeyahay Md. Cabdi Haybe Maxamed

Maanta oo taariikhdu tahay 11 July, 2016ka wuxu Hoggaanka Xisbiga WADDANI go’aamiyey in Mudane Cabdi Haybe Maxamed uu noqdo Xoghayaha Hawlaha Guud iyo Guriyeynta ee Xisbiga WADDANI.
Waxaanu Ilaahay ka baryeynaa in uu ku soo kordhiyo Xisbiga WADDANI fikrado wax-ku-ool ah iyo in uu ku soo biirin doono waayo-aragnimadiisa iyo khibradiisa u gaarka ah.
ALLA MAHAD LEH
Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro)
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI