Maantana, inaad Moorganoow maagtay lagu sheeg Qalinkii Mujaahid Maxamuud-Tallaabo

0
615

Maantana, inaad Moorganoow maagtay lagu sheeg Qalinkii Mujaahid Maxamuud-Tallaabo

Dumarkuba xublada foosha way xanaf wareeraane, balse inay xasuus daran yihiin xalka kale moog!!

Anigu ka maan mid ahayn Ciidamadii SNM ee aagga Galbeedka, (Hargaysa) waxaanse ka tirsanaa qaybtii Bariga oo aan u ahaa kalkaaliy Caafimaad, may 31, 1988, waa maalintii afraad ee weerarkii lagu qaaday magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee Burco, waa goor maalinimo ah waxaa si xarago leh uga soo dhaqaaqay Tuulada Kabo Qoray, Ciidan la waabin waayay oo u jihaystay dhinacaa iyo magaalo madaxa labaad ee Jamhuriyadda Dimqoraatiga Soomaaliyeed ee Hargaysa, qayladaa daluuntay Burco way ka dhacaysaa ee yaanay Caasimada labad qabsan, wax kasta halgu isticmaalo oo hub ah si looga joojiyo inay Hargaysa gaadhaan, waa loo caal waayay , waxay muddo hal saac ka yar ku qabsadeen xaruntii guud ee qaybta 26aad iyo xerada taariikhiga ah ee bir jeex, waxaa jaan iyo cidhib meel uu dhigay la waayay wiilkii maatada ku dagaal bartay oo ahaa Taliyihi Qaybta 26aad, Gacan ku dhiigle General Maxamed Siciid Moorgan, fakashadaa iyo kabo ka orodkaa Jananku waxay keentay in la soo bedelo muddo yar ka dib, xilki uu naftisa kala baxsaday.

Maalintaas, tan iyo maantadan Gacan ku dhigle Moorgan wuxuu galay dagaalo badan oo ka dhacay meelo kala gedisan, sida Muqdisho, Afmadaw, Kismaayo, iyo meelo kale oo dhamaantood ka tirsan geyiga soomaalida, lamana sheegin meel uu malin keliya libin kala hooyay, ee intaba wuxu ku dambeeyay inuu cagaha wax ka day/cararo oo lafihiisa la dhuunto

Hadda waxaan aad ula yaabay markaa dhawaan arkay , gacan ku dhiiglihii dumarka iyo caruurta badan ee reer Somaliland loo tirinaayay oo hanjebaad aan waxba u raacin dhulka sawaaxilga ka soo tebinaaya, hadaba gacan yaraha Taliskii dad qaadka ahaa waxaan leeyahay dhawrkan eray ee koob kooban.

1. marka hore waxay ahayd in halka aad joogto lagugu soo dilo, haddii Alle noo ogolaadona waanu samayn sidaas maalin ay noqotoba, shacabka reer Somaliland-na kuma saamaxayaa adiga iyo ninkasta oo godob ka qaba.

2. Maad ahayn kii maanta Somaliland is xasuusin lahaa.

3. Lama garanaayo waxa aad shalay iska xistiyaysay ee aad maanta cid ku kordhin karto.

4. ragii (Mujaahidiintii) shalay ku baacsaday raggii ay dhaleen oo wada labaatan jir ah ayaa nolol kugu soo qaban donna, sawirkaaga iyo magacaagana way wada garanayaa, kamana fakan doonitid.

5. Maadhiinka nimankii indhaha kugu madoobeeyay ee maafta kaa dhigay halkay manidu kuu jiiftay, maantana inaad Moorganaw maagtay lagu sheeg!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!