Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Cali Xoor Xoor Waxa UU Tacsi U Diray Qoyski iyo Qaranka Uu Ka Baxay Marxuum Maxamud Caydid Lafcambe

0
341

Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Cali Xoor Xoor Waxa UU Tacsi U Diray Qoyski iyo Qaranka Uu Ka Baxay Marxuum Maxamud Caydid Lafcambe.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Berbera(Warsugannews)Maareeyaha Guud ee Dekeda Berbera Eng Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor Xoor) isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shaqaale weynaha, Muruqmaalka iyo Salfadooranka, Dekeda Caalamiga ah ee Berbera waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuun Maxamuud Caydiid Laf-cambe oo ku geeriyooday dalka Canada Shalay oo taariikhdu ahayd 23/03/2016.

Sidoo Kale Waxa uu Ka Tacsiyadeynayaa Qurbojooga Reer Somaliland ee Wadanka Canada Oo Marxuumku Deganaa Kuna Geeriyooday markii mudo Kooban Xanuun u Jiifay.

Maareeyuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno geeyo, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aaamin Aaamin Aaamin