Maayar Cabdishakuur Cidin, Masuul Kaga Haboon Hogaaminta iyo Horumarinta Berbera Kuma Hayno Golaha Deegaanka Berbera: W/Q: Cabdixakiim Ibraahim Xuseen(Cabdixakiim San-yarre)

0
870

Maayar Cabdishakuur Cidin, Masuul Kaga Haboon Hogaaminta iyo Horumarinta Berbera Kuma Hayno Golaha Deegaanka Berbera: W/Q: Cabdixakiim Ibraahim Xuseen(Cabdixakiim San-yarre)

Moyar cidin waa moyarka ugu waxqabadka wanaagsan marka la barbar dhigo moyarada kulmiye ee gobolada dalka moyarkan oo ku sifoobay waqtiga mudo xileedkiisa oo ku dhaw hada gabo gabo maamul wanaag kalsooni shaqsiyeed moyar waxqabad muuqda oo la taaban karo degmada Barbara oo manta ka bilic iyo qurux badan marka loo eego heerka degmooyinka iyo gobolada dalka

Moyar cidin waa moyarka kaliya ee ka hirgaliyey in uu dib u sameeyo degmada Barbara 56 wado oo wadada ugu yar ay tahay 4km townka Barbara iyo hareeraha Barbara . degmada Barbara waxa ka markhaati kacaya dawlada iyo shacbiga ku nool madaxwaynaha jsl mudane MUUSE BIIXI waxaa haboon in moyar cidin lagu maamuso shahaado sharaf heer qaran halkan kuma soo koobi karno waxqabadka deg Barbara iyo moyar cidin .waxaan ku dhiirigelinayaa doorka uu ka ciyaaro waxbarashadda gobolka saaxil waxa xaqiiqo ah inuu barayaasha dugsiyada Hoose, dhexe iyo sareba ee degmada berbera ka hawl gala uu bil walba siiyo lacago gunooyin dhiirigelin.

Sidoo kale Mayor Cabdishakuur wuxuu Semester walba feega jaamacada ka bixiyaa badiba ardayda dhigata jaamacadaha ku yaala berbera waxaanu sanad walba soo saaraa arday badan oo jaamiciyiin.

Sidoo kale waxaan meesha ka madhnayn adeegyada horumarineed sida caafimaadka iyo fayo dhawrka wuxuuna si toos ah ula shaqeeya maamulka wasaaradda caafimaadka oo uu kala shaqeeyo sidii bulshada gobolka saaxil loo siin lahaa adeeg caafimaad oo dhamays tiran , dhisida jidad casri ah ayaa iyaguna ah waxqabadka Mayor Cidin intuu uu xilka hayay wuxuu sameeye wadooyin casri ah oo tayadoodu sareyso High Quality sidoo kale waxa dhinac socda inuu marmar dhigo hareeraha wadooyinka taasina waxaanay kor u qaaday bilicda magaalada, haddaba horumarkaa baahsan ee uu is garab wado mayor Cabdishakuur Cidin waxaan aad ula dhacay sida uu ugu heelanyahay dhiirigelinta waxbarashada , shaley Axadii ayay ahayd markii ardayda jaamacadda golis faraceeda berbera aan kala qaby galey xaflada qalin jebinta goobta loogu talo galey ayaa ahayd hoolka weyn ee maansoor berbera waxaan markhaati ka ahaa masuulka kaliyaata ee amaantiisa la iskaga daba maray uu ahaa Mayor Abdishakuur markaste oo magaciisu maqalbaahiyaha kasoo baxo waxa madasha is qabsanaayey sacab iyo mushxarad aan kala go, ayn ardayda iyo waalidiintooda ayaa ka dareen farxadeed ku qaabilay maayorkooga sidaasi darteed ayaa anigana igu kaliftey inaan maqaalkan qoro oo aan ka dareen celiyo bulshadana usoo bandhigo inuu mayor cidin wax badan oo aaynay mayorada la mid ah aanay u qaban bulshadooda uu isagu ku talaabsaday balan qaadyadiisiina ka dhabeeyey.

Maayarada degmooyinka kale waxay awooda saaran oo kaliya qurxinta, bilcda iyo jidad cusub oo ay sameeyaan, balse dhisida garaadka iyo caqliga bulshada oo kora ayaa ka muhiimsan wax walba, bulsho tacliinleh ayaa horumar soo kordhin karta, horumarkuna wuxuu ka yimaadaa bulshada maskaxo garaad aqooneed leh oo iskaashaday ayaa sameeya horumar , ubadkeena intaynu calooshooda cunto ku gurayno waxa ka muhiimsan inaynu caqligooda kaabno aqoona ka dhargino.

W/Q: Cabdixakiim Ibraahim Xuseen(Cabdixakiim San-yarre)

Moble:0634427699

Berbera Somaliland