Maayar ku xigeenka Caasimada Hargeysa oo Habalyo iyo Hadyad isugu daray Wasiirka Cusub ee Reermiyiga iyo Xoolaha UK loo magacaabay

0
630

Maayar ku xigeenka Caasimada Somaliland ee Hargeysa Mudane Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Caga-weyne) oo hambalyo u diray MP Kerry oo ah haweenay u dhalatay Ingiriiska oo shalay loo magacaabay wasiirka reermiyiga iyo xoolaha ee dalka Uk.

London (Warsugannews) Maayar ku xigeenka oo ku sugan dalka ingiriiska una jooga hawlo shaqo ayaa kulan la qaatay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahayd Kerry oo hada loo magacaabay wasiir isaga oo maayarku gudoonsiiyey wasiirada hadyad ka turjumaysa dhaqanka suuban ee shacbiga Somaliland gaar ahaan muuqaalka hidaha haweenka.

Kulanka ka dib waxa wasiir buuxa loo magacaabay Kerry oo ah qof firfircoon oo jecel qadiyada Somaliland in badana taageerta in Somaliland hesho waxay caalamka ka mudan tahay.

Magacaabisteedana waxa soo dhaweeyey oo hambalyo u diray Maayar ku xigeenka Caasimada Somaliland ee Hargeysa oo ay xidhiidh wanaagsan lahaayeen ka hor intaan la magacaabin, isagoo sheegay inuu ku rajo weyn yahay in ay waxbadan la qaban doonto Somaliland.

Warsugannews

warsuganmedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here