Maayar Ku Xigeenka Caasimada Hargeysa Oo Hawlo Shaqo U Jooga Ingiriiska Ayaa Ka War Bixiyey Kulamo Uu La Qaatay Maayaradda Bristol, Shafill Iyo Madaxa Dabdamista Bristol + Sawiro

0
427

Maayar Ku Xigeenka Caasimada Hargeysa Oo Hawlo Shaqo U Jooga Ingiriiska Ayaa Ka War Bixiyey Kulamo Uu La Qaatay Maayaradda Bristol, Shafill Iyo Madaxa Dabdamista Bristol

Bristol()Maayar ku xigeenka Caasimada Hargeysa Mudane Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagaweyne) ayaa ka warbixiyey safar shaqo uu uu ku joogo dalka Ingiriiska, isagoo kulamo kala duwan la qaatay masuuliyiinta Magaalooyinka Bristol, Shafill iyo saraakiisha sarsare ee dabdamiska Bristol iyo nawaaxigeeda.

waxaanu yidhi maayar ku xigeenku mar uu u waramayey qaybo ka mida warbaahinta “waxaanu ka soo baxnay shir mihiima oo aanu wada yeelanay lord mayor of Bristol Jeff Lovell and elected Mayor of Bristol Marvin Rees. waxaanu ka wada hadalnay arrimo muhiima oo ay ugu horayso sidii aanu isaga kaashan lahayn una mataanayn lahayn magaalooyinka Hargeysa iyo Bristol oo aan hubo in aanu ka faa’iidaysan doono dhawaan.

mar wax laga waydiiyey safarkiisa shaqo iyo ujeedka uu halkan u yimid waxa uu yidhi “Waxan halkan u joogaa waa shaqo, waxanan xooga saarayaa in aan xoojiyo xidhiidhka wada shaqayneed ee aanu hore u dhisnay oo aan anigaygani hore u xidhiidhiyey ilaa hadana aan furmin marba marka sii danbaysana sii xoogaysanaya, waxanan hadadan aan kula hadlayo la kulmay sadexdii lord mayor ee soo maray shafil intii aan ku sugnaa Shafil ama aan imid dalka UK oo mid ka mid ahi uu Somaliland icitiraafay isagoo hogaaminaya golihiisi deegaanka ee wakhtigaasi, lord mayorka imikana waxa aanu ku casuunay Somaliland gaar ahaan caasimada Hargaysa isha Allaahu iyadoo xidhiidhka shafil iyo hargaysa noqday mid sii siyadaya ka dib siday Somaliland u ictirafeenba.

Sidoo kale waxa laygu casuumay oon bookhasho ku tegay xarunta dabdamiska magaalada Bristol iyo agagaarkeeda oo uu xukumo Jeff (Kevin Pearson) oo aanu kala hadanlay in ay xidhiidh dhaw la sameyaan Somaliland lana mataanobaan dabdamiska Caasimada Hargaysa, saraakiisha dab damiska Bristolna ay yimadaan hargeysa si ay wax uga korodhiyaan una helaan khibrad dheeraad ah iyagoo jooga dalkooda, qalab badana way gudoonsin doonan markay dalkii tagaan saraakil uu wato taliyaha dab damiska Bristol gashanle sare jeff (Kevin Pearson) oo iman doona hargaysa waxbadana ay la qabandoonaan dabdamiska Hargeysa, waayo waxay muda shan iyo labatan sano ah caawinayeen Gambia oo ay xidhiidh lahayeen laakin ay ka dhamatay imika, siday noo sheegeen wixii ka danbeeyana waxay noo balan qaadeen inay xidhiidh rasmi ah la samayn doonaan Somaliland lana mataanoobi doonan isha Allahu. taasina waxay guul u tahay guud ahaan somaliland.

Ugu danbayn waxa uu warbaahin madaxa banaan oo ay ka mid ahaayeen ITV siiyey waraysi gaara oo la xidhiidha abaaraha baahsan ee ka jira dalka Somaliland waxaanu fariin dhiirigelin iyo gubaabo ah u diray beesha caalamku inay gargaar la soo gaadho shacbiga abaartu riiqday ee ku sugan gobolada Somaliland qaar ka mida.