Macalin Van Gaal Oo Dhiri-gelinaya Xiddigaha Kooxdiis: “Ka Badiya Man City Kadibna Hanashada Horyaalka Qof Nagama Xigo”

0
407

Macalin Van Gaal Oo Dhiri-gelinaya Xiddigaha Kooxdiis: “Ka Badiya Man City Kadibna Hanashada Horyaalka Qof Nagama Xigo”

Toddobaadka Manchester Derby waxaa isku haleeli doona kooxaha Manchester United iyo Manchester City kulan ka tirsan Premiership-ka England. Haddaba macalin Luis Van Gaal ayaa ku dhiiri-geliyay xiddigaha kooxdiisa Man United inay u awood sheegtaan kooxda ay deriska yihiin.

Van Gaal wuxuu yidhi “Aad baan ugu faraxsanahay toddobaadkan ban-dhiga ay xiddigaha kooxaydu sameeyeen, waana ku faani karaa wax-qabadkii xiddigahayga kulankii Everton. Waxaa muhiim ah inaan isla ban-dhig wanaagsan la nimaadno kulanka toddobaadka dambe ee aan Man City la ciyaari doono”.

Wuxuu khabiirkani uu hadalkiisi uu si raaciyey “Haddii xiddigahayga ay Man City ka badiyaan dabcan markaas waxaan nahay koox si adag ugu tartami karta hanashada horyaalka England. Mar walba Man United hadafkeedu wuxuu yahay inay horyaalka ku guuleysato sidaa darteed kulanka Man City fursad weyn ayay inoo tahay inaan awoodeena ku soo ban-dhigno iyo hamigeena”.

Kooxda Man United haatan waxay 2-dhibcood ka hooseysaa kooxda Man City oo hogaaminaysa horyaalka England, waxay United leedahay 19-dhibcood waxayna isku dhibco yihiin Arsenal halka Man City ay leedahay 21-dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here