Madaarka Berbera Oo Muddo Dheer Kadib Bilaabaya Duulimaadyo Diyaaraddaha

0
398

Madaarka Berbera Oo Muddo Dheer Kadib Bilaabaya Duulimaadyo Diyaaraddaha

Berbera(Warsugan) Wasiirka wasaaradda Duulista Somaliland Farxaan Aadan Haybe, ayaa sheegay in madaarka Berbera duulimaadyada dib u bilaabi doono kowda bishan. Wasiirka oo shalay soo dhaweyn diiran kala kulmay maamulka iyo bulshada Berbera ayaa shaaciyay in kowda bisha soo socota la bilaabayo duulimaadyada madaarka Berbera.

Madaarka Berbera ayaa dib u casriyayn lagu sameeyay sannadihii la soo dhaafay. Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa xadhiga ka jaray bishii Feebarwari ee sanadkii 2015 laakiin, madaarka oo lagu casriyeeyay lacag dhan 5 milyan oo doolar oo dawladda Kuwait bixisay wuxuu xidhnaa ilaa horraantii 2015 oo xadhiga laga jaray. Madaarka markii hore ahaa mid militari waxaa hannaan shacab loo isticmaalayay xilliyaddii madaarka Hargeysa la dhisayay, balse intii dib loo dhisay lama isticmaalin, iyadoo aanay wasaaraddu wax sabab ah oo loo isticmaali waayay sheegin.

Xukumadda Somaliland ayaa magaalada Berbera oo madal juquraafi ahaan habboon ku taalla waxay ku waddaa horumaro dhinaca dekedda ah. shirkadda DP World ee lagu wareejiyay dekedda ayaa la filayaa inay horumar ku soo kordhiso. Sidoo kalena xukumadda ayaa hadda dawladda Imaaraadka la bilawday wada hadal ku saabsan in Saldhig militari ay ka samaystaan Berbera.

Dawladda ayaa sheegaysa inay Berbera la damacsan tahay madal kulmisa dunida oo laga soo galo Geeska Afrika iyo guud ahaan bariga. Wasiirka ganacsiga ayaa sheegaya in lala maagan yahay in Dubayda Imaaraadka lala mataaneeyo “Waxaanu ka shaqaynaynaa sidii Berbera u noqon lahayd Dubai-da Jamhuuriyadda Somaliland iyo Geeska Afrikaba,” ayuu yidhi Wasiirka duulistu.

Wasiirku wuxuu sheegay in duulimaadyada diyaaradaha ee Madaarka Berbera bilaami doonaan, inkasta oo aanu sheegin sababta xilligan keentay “Waxaanu doonaynaa inaynu duulimaadyadii Madaarka Berbera dib u bilawno oo Inshaa Allah kowda bisha aynu duulimaadka u horeeyay ku bilawno diyaaradda Jabuuti laakiin, imika waxaan u imid inaanu qiimayno oo eegno wixii baahiyo ah ee u baahan in la sii toosiyo,” ayuu yidhi wasiirku.

Xigasho Wargeyska Warsugan
Warsugan15@gmail.com
warsuganmedia@gmail.com
Hargeysa/Somaliland/Office