Madax dhaqameed soo bandhigay Faa’iidada Seeraha Banka Qool-caday

0
514

Madax dhaqameed soo bandhigay Faa’iidada Seeraha Banka Qool-caday

Hargaysa (warsugannews)- Salaadiin, Cuqaal iyo Waxgarad ka soo Jeeda Degmada Sallaxley ayaa Sheegay inay Taageersan Yihiin Qorshaha Xukuumaddu ku samaynayso Seeraha Banka Qool-caday oo faa’iido balaadhan u leh bulshada iyo Xoolo dhaqatada Degmadda Sallaxley.

Xubnahan Madax dhaqameedka ah oo Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada hargaysa ayaa sheegay in Seeraha banka qoolcaday aanay Jirin Cid keli ahaan sheegan karta,Waxaanay Xuseen inay Xukuumada ku garab joogaan horumarinta banka qool-caday iyo hirgalinta seerahaasi.

“Dadku markay Horumar ka hadlayaan oo Shayga Horumarka ah loo soo bandhigo oo Madaxdooda iyo Waxgaradkoodu u soo bandhigayaan Isla markaana dadka wada tashi loogu yeedho Wax ka wanaagsani ma Jirto,Banka Qool caday iyo Seeraha laga samaynayo waa mid Manaafacaad u leh deegaanka iyo dadka intiisa kale” Sidaa waxaa hadalka ku furay Caaqil Aamiin Maxamed Cabdi Fadhfadhle oo ka mid ahaa Xubnihii Madax dhaqameedka ahaa ee Kulankaasi ka hadlay.

Caaqil Cali Xuseen ayaa Cadeeyay in hirgalinta Seeraha banka Qoolcaday uu Waxtar badan ku soo kordhin doono deegaankaasi maadaama uu noqon doono marinka ay Xooluhu soo Mari doonaan “Waxaan ka hadlayaa Faa’iidooyinka banku leeyahay Waxaan idiin sheegayaa Khayraadka ka soo baxa ama shaqaalaha ka shaqayn doona Xoolaha dalkoo dhami meeshay soo mari doonaan weeyi,Sidaa darted faa’iidooyin badan ayaa inoogu Jira”

Caaqil Mustafe Maxamed Gaaxnuug oo ka mid ah Cuqaashii Kulankaasi ka hadlay ayaa Sheegay in Hirgalinta Seeraha Banka Qoolcaday Xukuumada loo daba fadhiisto maadaama ay Ka Mid Tahay Mas’uuliyadaha loo igmaday “Horta Dhulka dawlad baa ka dhisan,Dhulkeeda iyo baddeedana dawladaa Xukunta oo loo doortay Sidaa awgeed khayraadka dhulkeena ku jira beel iyo cid kale mas’uul kama ahee Xukuumadda Xilkaas leh”

Sidoo kale Xubnihii Kulan Saxaafadeedkaas ka hadlay ayaa dhamaantoodba iska daba maray Sida ay Waajibka u tahay in Xukuumadda lagu garab galo Hirgalinta Seeraha banka qool caday oo Kaalin mug leh ka qaadan doona Horumarka deegaankaasi.