telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Madaxda Sare Ee Xisbiga KULMIYE Oo Laga Dalbaday Inay Ka Soo Jawaabaan Dacwad Laga Gudbiyay

Harysa(WMG):- Guddiga Diiwaangelinta Ururada Siyaasada Oo Xisbiga KULMIYE Ka Dalbaday Inay Ka Jawaabaan Dacwad Laga Gudbiyay.

Gudida diiwaangalinta ururada siyaasada iyo ansixinta asxaabta qaranka JSL, ayaa xisbiga talada haya ee KULMIYE u soo gudbiyay dacwad ka dhan ah oo lagu soo eedeeyay taas oo ay ka dalbadeen inay ka soo jawaabaan.

Dacwadan waxa guddiga u gudbiyay Prof.Cabdi Cali Jaamac oo xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ka mid ahaa, balse ka mid ahaa dhawr xubnood oo dhawaan uu xisbigu sheegay inuu ka saaray xisbigii.

Qoraal kooban oo gudidan diiwaangalintu soo saartay ayaa lagu sheegay in KULMIYE laga sugaayo in ay ka soo jawaabtaan dacwada laga soo gudbiyay. Qoraalka oo ku taariikhaysan 26 January, laguna socodsiiyay guddoonka xisbiga KULMIYE, oo uu ku saxeexanyahay xoghayaha guddiga diiwaangelinta iyo ansixinta axsaabta siyaasadda Cumar Xasan Maxamed, wuxuu u dhignaa sidan “Waxa gudida diiwaangalinta ururada siyaasada iyo ansixinta asxaabta qaranka JSL soo gaadhay dacwad ka dhan ah xisbiga Kulmiye taas oo uu dacwoode ka yahay Cabdi Cali Jaamac, dacwadaas oo aanu halkan idiinku soo lifaaqnay. Hadaba waxa laydinka sugayaa inaad dacwada ka soo jawaabtaan.”

229 total views, no views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins