Madaxdhaqameedka Somaliland iyo Madaxda Saddexda Xisbi Oo Isla Qaatay In Majaraha Saxda Ah Lagu Soo Celiyo Ololaha Siyaasadda

0
369

Madaxdhaqameedka Somaliland iyo Madaxda Saddexda Xisbi Oo Isla Qaatay In Majaraha Saxda Ah Lagu Soo Celiyo Ololaha Siyaasadda

Hargeysa(Warsugan) Qaar ka mid ah haldoorka dhaqanka Somaliland ayaa shalay isugu yeedhay hoggaanka saddexda xisbi Qaran ee Somaliland kadib markii musharraxa Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo musharraxa Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cirro saxaafadda isku dhaafsadeen eedo xanaf leh oo bulshada muran ka dhex dhaliyay. Madaxda dhaqanka iyo hoggaanka xisbiyada ayaa isla qaatay in nidaamka qabyaaladda laga saaro ololaha xisbiyada, islamarkaana si hufan loo tartamo.

Salaadiinta iyo boqorrada saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in siyaasiyiinta xisbiyadu ka garaabeen in siyaasaddu baalmartay nidaamkii dimuqraadiyadda ee saxda ahaa “Shir salaadiinta dhawr cisho u socday waxaa la iskula qaatay in habka hoggaanka xisbiyadu ololaha u wadaan ka leexday nidaamkii Somaliland dhaqanka u ahaa iyo habkii suubanaa ee doorashooyinka aynu ku gali jirnay, islamarkaana uu u leexday yooyootan badan, wax iska sheeg iyo qabyaalad in lagu ololeeyo. Xisbiyada markii aanu u yeedhnay waanu isla qirnay in arrintaasi tahay cilad jirta oo Somaliland ugub ku ah oo ka leexsan qaabkii xisbiyadeenu doorashada u geli jireen,” ayuu yidhi boqor Cismaan Buurmadow oo ka mid ahaa madaxda dhaqanku.

Waxa uu sheegay in hoggaanka xisbiyadu aqbaleen soo jeedinta salaadiinta ee ah in nidaam bilaa turxaan ah oo wadajirka bulshada iyo nabada dhawraya u ololeeyaan saddexda xisbi “Dhammaantayo waxaanu isla garanay in la bedelo yooyootanka iyo qaabkan ololuhu u socdo, oo hab hufan oo wanaagsan oo tartan xalaala ah oo lagu gaadho yoolka aynu leenahay in lagu tartamo ayaa la isla gaadhay,” ayuu yidhi Boqor Buurmadow.

Madaxda dhaqanka ee kulanka agaasimay ayaa kala ahaa Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan, Suldaan Cismaan Sul. Cali, Suldaan Cismaan Sheekh Ibraahin(Magaalo), Suldaan Aadan Faarax, Suldaan Cabdiraxmaan Cabdillaahi Awgood, Suldaan Maxamuud Xaaji Aadan, Suldaan Cali Saleebaan, Suldaan Barre Xaaji Cabdillaahi iyo Boqor Cismaan Buurmadow. Salaadiintan ayaa sheegay in hoggaanka xisbiyadu la qaateen sidii xisbi walba bulshada ugu soo bandhigi lahaa qorshihiisa waxqabad.

Xisbiyada waxaa ka socday musharraxa Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, guddoomiye xigeenkiisa Maxamed Kaahin Axmed, siyaasiga Cabdicasiis Samaale, halka Waddani ay ka socdeen Musharrax Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro, hoggaamiye Xirsi Cali X. Xasan iyo Xuseen Axmed Caydiid, wasiirkii hore ee caddaaladda iyo xisbiga UCID oo ay ka socdeen ku simaha xoghayaha guud Cabdinaasir Yuusuf Qodax, Maxamed Xasan Shabaash afhayeenka UCID iyo Maxamuud Cali Muuse.

Todobaadadii u dambeeyay ayay bulshada Somaliland ku dhego barjowday weedho xanaf leh oo musharraxiinta Kulmiye iyo Waddani is dhaafsanayeen. Hadallada ayaa sii xumaaday markii xisbiga Kulmiye ku eedeeyay dhiggooda Waddani inay qaddiyadda Somaliland kuwadaan Muqdisho. Haddallada lagu ololaynayo ayaa laga dhex arkayay qabyaalad iyo nidaamyo beelaysan oo la isugu jawaabayay.

Xigasho Wargeyska Warsugan