Madaxii Hoggaanka Saadka ee Ciidanka Qaranka Somaliland oo Geeriyooday Maanta iyo Madaxweynaha oo Tacsi u diray Ciidanka Qaranka iyo Qoyskii uu ka Baxay

0
390

Madaxii Hoggaanka Saadka ee Ciidanka Qaranka Somaliland oo Geeriyooday Maanta iyo Madaxweynaha oo Tacsi u diray Ciidanka Qaranka iyo Qoyskii uu ka Baxay

TACSI MADAXWEYNE-15/05/2017
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa Saraakiisha ciidamada kala duduwan ee qaranka iyo guud ahaan Ciidamada Somaliland, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Gashaanle Sare Cismaan Cabdilaahi Siciid oo ahaa Madaxa hoggaanka saadka ee Ciidanka Qaranka Somaliland oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 15.05.2017, magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey sarkaal kaalin muhiima kaga jiray qaranka Somaliland, ahaana saraakiishii ka qayb-qaatay xoraynta dalka, markii danbena u qalab qaatay sidii ay qarankooda u ilaashan lahaayeen, bulshadooda iyo dalkana u difaaci lahaayeen, isagoo hawshaasi ku jirana ay tii Alle u timid Marxuumka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Saraakiisha ciidamada kala duduwan ee qaranka iyo guud ahaan Ciidamada Somaliland, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.