MADAXTOOYADDA SOOMAALILAAN OO MAAMUSTAY ARDAY BARTAY XIDHIIDHKA DAWLADDA

0
382

MADAXTOOYADDA SOOMAALILAAN OO MAAMUSTAY ARDAY BARTAY XIDHIIDHKA DAWLADDA

HARGEYSA(Warsugannews)Madaxtooyadda Soomaalilaan ayaa maanta oo Salaasa ah maamustay 40 shaqaalaha dawladda ah oo si guul ah u dhamaystay tababar laba cisho qaatay, oo ula-jeedadiisu ahayd sidii loo hirgelin lahaa, ‘Hal Dawladda ah iyo Cod mid ah.’

“ Waa muhiim in dawladdu xoojiso xidhiidhkeeda gudaha iyo weliba ka ay la leedahay dadka ay u adeegto si loo helo bulsho midaysan, oo leh cod furan oo awood badan,” ayuu ka sheegay Axmed Guuleed, Agaasimaha Xidhiidhka Madaxtooyaddu, furitaankii xafladda.

Dadka ka soo qayb galay kulan sharafeedkan ayaa waxa ay ka kala socdeen dhammaan wasaaraddaha iyo hayadaha dawliga ah ee dalka. Kuwaas oo intii uu tababarku socday si hufan uga dooday sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka dhexdooda, si ay dawladdu u hesho warar sugan, shacabka Soomaalilaan looga haqab-tiri lahaa wararka khuseeya.

“ Waa arrin aad loogu farxo in aan la shaqaynay dhallinyaro u heegan ah in xidhiidhkooda kor u qaadan, si is-bedal togan u u gaadhaan. Xog-wadaagistu waa furaha lagu gaadho maamul wanaag iyo bulsho suuban,” ayuu yidhi Andy Hill, oo ah tababare ka socday Adam Smith International (ASI).

Afar nin oo ka socday kooxda ASI ayaa ka hawl-galayey Soomaalilaan laga soo bilaabo dhamaadkii bishii Noofambar si ay dawladda uga taageeraan sidii ay u horumarin lahayd xidhiidhka dhexdeeda ah, ka ay la leedahay warbaahinta, si is-dhaafsiga xogta ee dadweynaha iyo dawladuba u tis-qaado.

Kooxdan ayaa la soo shaqaysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ta Qorshaynta iyo Difaacaba. Waxa kale oo tababaro gaar ah u fidiyeen shaqaalaha Xafiiska Af-hayeenka Madaxweynaha iyo kuwa xidhiidhka Madaxtooyada.

Sidoo kale waxa ay tababar siiyeen wakiiladda Soomaalilaan kadib markii ay ka qayb-galeen kulan ka qabsoomay Hudheel Maansoor bishii Diisambar.

Waxa la filayaa in kooxdan ASI dalka ku soo laaban doonaan si ay shaqadan u sii xoojiyaan, iyaga oo taageero toos ah ka helaya Xafiiska Arrimaha Dibadda u qaabilsan Dawladda Ingiriiska.

01

02

DSC_1219

IMG_0165

IMG_0185

IMG_0216

IMG_0279
12910451_1051179821587355_159678436_n

IMG_0276

12884464_1051179811587356_1808906121_n