Madaxwaynaha Bayern Munich oo ku kalsoon in kooxdiisu ay garaaci karto Arsenal

0
449

Madaxwaynaha kooxda Bayern Munich ee Karl-Heinz Rummenigge ayaa kalsooni buuxda ka muujiyay in kooxdiisu ay garaaci karto Arsenal.

Kooxda reer ingiriis ayaa marti u noqon doonta Bayern Munich arbacada, xili kooxda reer jarmal ay guul ka soo gaartay sabtigii kooxda Ingolstadt.

Karl-Heinz Rummenigge ayaa sheegay in guushii ay gaareen sabtigii ay kalsooni badan u tahay kooxda si ay guul u soo hooyaan arbacada.

“Aad ayaan u faraxsanahay, waxay noo ahayd maalin wanaagsan” ayuu yiri Karl-Heinz Rummenigge kadib guushii Ingolstadt.

“Waxaan aragnay in kooxdeenu ay soo muuqan karto waqtiga loo baahanyahay, sifiican ayeey u soo muuqdeen qaybtii dambe ee kulankii kooxda Ingolstadt, taas oo kalsooni nasiinaysa ka hor kulanka arbacada ee Arsenal”.

“Haatan waa inaan qaadanaa kalsoonidaas iyo xoogaa nasiino ah ka hor arbacada, waana wax iska fudud marka aad leedahay rajo fiican”.