Madaxwayne Ku-xigeenka Ahna Ku-simaha Madaxweynaha JSL Oo Soo Kormeeray Goobaha ay Ka socoto Qaadashada Kaadhka Codbixinta Doorashada Ee Magaalada Hargaysa Dadwaynahana Ku dhiiri Geliyay Qaadashada Kaadhka Codbixinta Dorashada

0
423

Madaxwayne Ku-xigeenka Ahna Ku-simaha Madaxweynaha JSL Oo Soo Kormeeray Goobaha ay Ka socoto Qaadashada Kaadhka Codbixinta Doorashada Ee Magaalada Hargaysa Dadwaynahana Ku dhiiri Geliyay Qaadashada Kaadhka Codbixinta Dorashada

Hargaysa(WSN)Madaxwayne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku-simaha Madaxweynaha Qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa saaka kormeer kusoo maray goobaha ay ka socoto qaadashada kaadhka codbixinta doorashooyinka oo ay maanta si rasmi ah qaybintoodu uga bilaabmatay gobolada Maroodi-jeex iyo Togdheer.

Madaxwayne ku-xigeenka ayaa kormeerkiisa ka bilaabay Hay’adda shaqaalaha dawladda oo ay ka socoto kaadh qaybintu isagoo halkaasi kula kulmay madaxda axsaabta qaranka iyo saraakiisha ugu saraysa koomishanka doorashooyinka oo goobtaasi ku sugnaa, shaqaalaha goobta ayaa madaxwayne ku-xigeenka ahna ku-simaha madaxweynaha sharaxaad ka siiyay qaabka ay u socoto kaadh qaybintu.

Madaxwayne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo goobtaasi warbaahinta kula hadlay ayaa ugu baaqay bulsho weynta ku dhaqan labada gobol ee Maroodi-jeex iyo Togdheer inay qaataan kaadhka codbixinta doorashooyinka soo socda waxaanu yidhi “Aad baan uga mahad celinayaa sida ay komishanku u diyaariyeen hawshan, waxan jecelahay in aan halkan fariin uga diro bulshada ku dhaqan labada gobol ee Maroodi-jeex iyo togdheer inay xil iska saaran qaadashada kaadhka codbixinta”ayuu yidhi Madaxwayne ku-xigeenku.

Sido kale Madaxwayne ku-xigeenka ayaa soo kormeeray goobo kale oo si habsami ah uga socotay hawsha qaadashada kaadhka codbixinta doorashoyinka inagu soo foolka leh iyadoo ay bulshaduna si nidaamsan u qaadanayeen kaadhka codbixinta dorashada .