Madaxweynaha cusub ee Mareykanka oo muran geliyay “midnimada” Shiinaha

0
384

Madaxwaynaha la doortay ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa su’aal galiyay in dalka Maraykanku uu sii wadi doono siyaasaddiisa ku aadan in Shiinuhu uu hal dal yahay, laakiin warbaahinta dawladda ee Shiinaha ayaa arrintaas aad ooga carootay.

Siyaasadaasi waxay tahay in Shiinuhu uu calaaqaad rasmi ah la leeyahay Shiinaha badalkii uu la yeelan lahaa jasiiradda Taiwan oo Shiinuhu uu u arko gobol ka tirsan.

Nidaamkaas ayaana wakhti dheer muhiim u ahaa calaaqaadka Shiinaha iyo Maraykanka. Laakiin Trump ayaa sheegay in aysan u muuqanin sabab ay arrintan u sii socoto iyada oo aan Beijing laga haynin wax tanaasul ah.

Hadalkiisaas ayaa horseedatjawaab caro leh oo laga baahiyay warbaahinta qaranka Shiinaha.

Dalka Maraykanka ayaa calaaqaadkii rasmiga ahaa u jaray maamulka Taiwan sanadku markuu ahaa 1979, wuxuuna aqoonsigiisii u wareejiyay dhanka Shiinaha, arrintaas ayaana horseeday in uu calaaqaadkoodu sii hagaago.

Balse in kastoo calaaqaadkii rasmiga ahaa ee dublamaasiyadeed uu burburay haddana maraykanku waxa uu sanado sii waday calaaqaad aan rasmi ahayn oo uu Taiwan la lahaa.

Waraysi uu baahiyay Fox News Axaddii ayuu Trump ku sheegay in uusan garanaynin sababta ay u ilaalinayaan siyaasadda Shiine midaysan iyadoo aan heshiis lagula galin Shiinaha arrimo kale oo ay ka mid yihiin ganacsiga.

Trump waxaa kale oo uu sheegay in Shiinuhu uusan iskaashi kala samaynaynin Maraykanka arrimaha lacagihiisa, Kuuriyada Waqooyi iyo waliba dareenka ka taagan koonfurta badda Shiinaha.

Warbaahinta dawladda Shiinaha leedahay ee Global Times ayaa isla markiiba ka hadashay waxayna sheegtay in hadalka Trump uu yahay mid caruurnimo ah oo lala dagdagay, uuna u baahan yahay in uu dublamaasiyadda wax ka barto.