Madaxweynaha Ireland Oo Qasrigiisa Madaxtooyada Ku Qaabilay Madaxweynaha Somaliland+Sawiro Dhaxal gala

0
401

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ireland Oo Qasrigiisa Madaxtooyada Ku Qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland+Sawiro Dhaxal gala

Ireland(Warsugannews)Madaxweynaha Jamhuuriyadda dalka Ireland Mud. Michael D Higgins oo uu Wehelinayo Taliyaha Guud ee Ciidamada Dalka Ireland Vice Admiral Mark Mellet (DSM) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Dalkaas ku qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wafdigii uu hoggaaminayay oo booqasho Rasmi ah ku jooga dalkan Ireland.

Madaxweynaha Waddanka Ireland Mudane Michael Higgins ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay booqashada Madaxweynaha Somaliland Mud. Axmed Silaanyo iyo waftigiisu ku yimaadeen Dalka Ireland, waxaana uu tilmaamay in Xidhiidh hore oo soo jireen ahaa uu u dhaxeeyo labada Waddan iyo labada Ummadood, waxaana uu uu sheegay in Dalka Ireland uu diyaar u ahay in Jamhuuriyada Somaliland uu la yeesho xidhiidh cusub, kana caawiyo wax kasta oo suurto galin kara sii xoojinta Horumarka iyo Nabadgelyada ka hanaqaaday Dalka Somaliland, wuxuuna Madaxweynaha JSL ku ammaanay tariikhda hoggaamineed iyo dalaalkiisa shakhsino ee uu kaga qayb qaatay dibudhiska waddan ku yaala goob colaado hadheyeen. Waxaa isaguna halkaas ka hadlay Taliyaha Guud ee Ciidamada dalka Ireland oo ay wehelinayeen saraakiisha u sarraysa qaybaha Ciidamada Dalka Ireland, waxaana uu sharraxaad ka bixiyay hawlgalada kala duwan ee Ciidamadda Ireland iyo kaalinta ay kaga jiraan Xasilinta nabadgelyada Dunida isaga oo uu tilmaamay in 16 Waddan oo Caalamka ka mid ah ay joogaan kuna kala sugan yihiin Ciidamadda Ireland.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa isaguna si balaadhan u sharraxay taariikhda dheer ee ay soo mareen Shacbiga reer Somaliland iyo sida ay uga qayb qateen Xasiloonida Mandaqada Geeska Afrika, waxaana uu Madaxweyne Siilaanyo sheegay in lasoo gaadhay xiligii Dunidu ay Aqoonsan lahayd Madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland, isagoo ka codsaday Madaxweynaha Dalka Ireland inay ku dhiiradaan bilaabida talabadaas oo ah Himilada ugu weyn ee Shacbiga rer Somaliland su gayaan. Waxaa iyaguna sdoo kale halkaas hadalo ka soo jeediyay Wasiirrada Arrimaha Debeda, Madaxtooyada, Caafimaadka iyo Warfaafinta.

Dhinaca kale Marwada Koowaad ee Dalka Ireland Marwo Sabina Higgins ayaa iyaduna dhinaceeda si diirran qasriga Madaxtooyada ugu qaabishay Marwada Koowaad ee Jamhuuriyada Somaliland Marwo Aamina Weris Maxamuud Jirde. Marwo Sabina Higgins ayaa si balaadhan sharraxaad uga bixisay taariikhda Dalka Ireland waxaanay Marwo Sabina Qaybaha Qasriga Madaxtooyada ku soo wareejisay Marwada Koowaad ee jamhuuriyada Somaliland. Waxaa iyaduna halkaas si mug leh uga hadashay Marwo Aamina Weris Maxamuud Jirde iyada oo si balaadhan u faahfaahisay taariikhda iyo halganka ay Ummada Somaliland usoo mareen xorriyadooda iyo doorka looga baahan yahay dunidu inay ku taageerto sidii qaranka Somaliland uu u noqon lahaa Dal la Aqoonsado Ummadiisuna ay u gaadho Horumar dhinac kasta ah.
12092763_10153649181678535_1904422826_n

12092677_10153649182728535_1780656950_n

12092515_10153649132888535_1096778609_n

12092504_10153649119478535_80625383_n

12092475_10153649113088535_1188842539_n

12092326_10153649131968535_227472420_n

12092288_10153649184743535_2103208683_n

12087560_10153649182978535_419554325_n

12087384_10153649125228535_1544675655_n

12087353_10153649123293535_1222282670_n

12086872_10153649114763535_535644207_n

12086843_10153649113438535_1110298341_n

12084238_10153649114153535_795785534_n

12084085_10153649113163535_164769967_n

12084040_10153649122533535_972333608_n

12083994_10153649126548535_2033862629_n

12083909_10153649189328535_435865038_n

12083878_10153649113738535_1579161625_n

12083611_10153649124718535_310396052_n

12081607_10153649126568535_111164125_n

12081605_10153649118908535_1189933558_n

12081554_10153649113048535_1861680074_n

12081435_10153649122343535_86079529_n

12081401_10153649112953535_2101414890_n

12081353_10153649131313535_268201333_n

12081351_10153649131688535_1886071272_n

12080954_10153649121008535_38014706_n

12080789_10153649125848535_207738794_n

12080782_10153649132098535_1479331400_n

12080739_10153649186368535_1228633283_n (1)

12077524_10153649182893535_1345495990_n

12077403_10153649186143535_1817253629_n

12077165_10153649113878535_942218644_n

12077140_10153649114338535_59062952_n

12076969_10153649188203535_1427658008_n

12076925_10153649189838535_2009156981_n

12076892_10153649183383535_1240072545_n

12076881_10153649188288535_1165214146_n

12071728_10153649124483535_314657209_n

12071712_10153649113068535_2116094960_n

12071607_10153649122988535_113592774_n

12071562_10153649204083535_1888319557_n

12071447_10153649118388535_1089366101_n

12071435_10153649181283535_929936036_n

12071405_10153649126023535_572608158_n

12071363_10153649131588535_703791506_n

12068028_10153649125628535_856762818_n

12067961_10153649113548535_1693850316_n

12067415_10153649118188535_1166702174_n

12067318_10153649113568535_1086509634_n

12067258_10153649132643535_1105196567_n

12067214_10153649187293535_1846292598_n

12067183_10153649188733535_680741024_n

12067175_10153649187158535_1974240779_n

12064513_10153649131623535_1761093746_n

12064502_10153649122163535_350922217_n

12064499_10153649118558535_58731110_n

12064446_10153649189968535_1203902347_n

12064423_10153649123223535_252455390_n

12064267_10153649188478535_1603185758_n

12064267_10153649114103535_1222075572_n

4

3

2

1
Muniir Axmed Cigaal
Weriyaha Weftiga Madaxweynaha JSL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here