Madaxweynaha iyo Weftigii uu uu hogaaminaayey oo kulan la yeeshay Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Kuwait +Sawiro iyo Muuqaal

0
411

Madaxweynaha iyo Weftigii uu uu hogaaminaayey oo kulan la yeeshay Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Kuwait +Sawiro iyo Muuqaal
Hargeysa(Warsugannews)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigii uu hogaaminaayey ee ku sugnaa dalka kuwait ayaa caawa oo Khamiis ah taariikhduna tahay 17/03/2016 kulan muhiima la qaatay Jaaliyadda Somaliland ee Dalka Kuwait.

Madaweynaha iyo weftigii uu hoggaaminayo oo caawa la kulmeen jaaliyadda somaliland ee dalka kuwait waxay ka wada hadleen oo ay isla markaana uga warrameen ujeeddada socdaalkooda ee Dalka Kuwait ay ku yimaadeen taas oo ahayd Casuumad Boqorka Dalka Kuwayt uu ku martiqaaday Madaxweynaha Qaranka Somaliland iyo Weftigiisa.

kulankaa jaaliyada iyo Weftiga madaxweynuhu ku yeesheen dalka kuwait ayuu madaxweynuhu warbixin ka siiyey ujeedada safarkooda.

Waxa aanu halkan ku nimid martiqaad rasmiya oo aanu ka helnay boqorka dalka kuwait, waana aanu la kulanay boqorka oo waxa aanu kala hadalnay sidii ay mashaariicaha horumarineed ee ay ka mid ka yihiin:
a. Horumarka Dekedda Berbera, dhismo madaarro cusub iyo waddooyinka
b. Gurmadka abaaraha dalka ka jira.

dhinaca kale waxa ay si gaara isu dul taageen Xaaladda guud ee waddanku marayo oo ay si weyn u xuseen abaaraha baahsan ee dalka ka jira, diiwaangalinta codbixiyayaasha, mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda, nabadgelyada, siyaasadda arrimaha dibedda iyo ictiraaf raadinta

halka dhinacooda madaxda jaaliyadduna ay xog-warran ka siiyeen Madaxweynaha iyo weftigiisa duruufaha nololeed ee bulshada Somaliland ee ku dhaqan Dalka Kuwayt. Waxaanay weftiga Madaxweynaha usoo jeediyeen talooyin badan oo niyad sami ka muuqato.
Sidoo kale, waxay weftiga waydiiyeen su’aalo doora kuwaasoo ay Madaxweynaha iyo masuuliinta la socday si hufan uga jawaabeen.

Jawiga kulankan dhexmaray jaaliyadda, Madaxweynaha iyo weftigiisu wuxuu ahaa mid aad loosoo agaasimay oo ay ka muuqatay bisayl, wadaniyad dhab ah, hilaw, kal-gacal, xamaasad iyo soo dhawayn balaadhan oo ay ku qaabileen weftiga madaxweynaha. Waxaanu kulankaasi ku dhammaaday is afgarad, niyad sami iyo is xogwaraysi labada dhinacba ah.

Gunaanadkii shirkaas, madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland wuxuu ku guubaabiyay Jaaliyadda midnimo, wax wada qabsi, iskaashi, iyo isku duubnaan, meelna ay uag soo wada jeedaan jiritaanka dalka iyo horumarkiisa. Wuxuu kaloo madaxweunuhu ku dardaaray inay ka qayb qaataan qaadhaanka abaaraha iyo guud ahaanba horumarka dalka.

1

2

3

4

6

7

8e02f7a2-3b8c-4abf-9024-04e329b9c3da

9f12076a-ae4f-42c7-b164-df256801211a

9fff8e0b-e4cd-4010-83e0-f9f2827fc548

603e0e4d-62cb-4e1a-88e7-d4a11258e916

2683bb32-733c-4385-9a76-6796f4c06ce9

3325b0bd-25f5-485d-b339-dd3bde86046e

7353b29e-985c-4c77-8509-b30ae3914f40

7584f757-fe94-49f6-a06e-2e86d7ddc9b3

76343ea1-1307-45ec-83a3-994e2e6e3141

a46609c9-f10d-4ee1-ba7b-fddcc24b9b75

fb7afe85-6225-44c0-9984-5bdc4f4a45a3