Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa kulan casho sharaf ah u sameeyey Ciyaar yahanadii ku ciyaarayey Magaca gobolada dalka Somaliland + Sawiro

0
416

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa kulan casho sharaf ah u sameeyey Ciyaar yahanadii ku ciyaarayey Magaca gobolada dalka Somaliland

Hargeysa(WSN)Madaxweynaha oo munaasibad aad loo qurxiyey ku qaabiley ciyaar yahanada gobolada dalka ayaa khudbad ka jeediyey madashaasi, waxaanu yidhi madaxweynuhu “Ciyaartoygiinan Cawada Badan, Sharaf weyn bay ii tahay, in aan caawa idinku marti-qaado Xarunta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, oo ah Qasriga looga taliyo qarankeena. Mar labaad, waxaan jecelahay inaan halkan ka hambalyeeyo Ciyaar-yahannada kala duwan ee ka soo qayb-galay Tartanka Ciyaaraha Gobollada Somaliland. Sidoo kale, waxaan boggaadinayaa Mas’uuliyiinta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Xidhiidhada Ciyaaraha kala duwan, iyo Garsoorayaasha, kuwaas oo door weyn ka qaatay isku-dubaridka iyo qabsoomidda Tartankan Ciyaaraha Gobollada Dalka. Mar Kale, waxaan hambalyeynayaa Xulka Ciyaartoyga Kubadda Cagta iyo Kubadda Kolayga ee Gobolka Awdal, Gobolka Gabiley, Gobolka Hawd, Gobolka Saaxil, Gobolka Daad-madheedh, Gobolka Sool, Gobolka Sanaag iyo Xulka Ciyaartoyga Gobolka Xaysimo. Gobolladaas oo ah kuwii u soo gudbay wareegii labaad ee Tartanka Ciyaaraha. Waxaa kale oo aan hambalyeynayaa Xullalka Ciyaartoyga Kubadda Kolayga ee Gobollada Maroodi-jeex iyo Togdheer oo iyaguna u soo gudbay wareega labaad. Dhinaca kale, waxaan hambalyeynayaa Ciyaaryahannadii Gobolladii ku hadhay wareegii koowaad ee tartankii Ciyaaraha Gobollada ee ka dhacay Magaaladda Boorama, iyo Burco.
Duco-qabayaal,

Ujeeddada Ciyaaraha loo qaban-qaabinayaa, ma’aha oo keliya maaweelo iyo madadaalo, balse nuxurkeedu waa mid ka gun-dheer.
Tartannada kala duwan ee ciyaaraha, siyaasadda aynu ka leenahay waxa bud-dhig u ah, in ay is-dhex-galaan, isla markaana is-bartaan dhallinyarada ciyaartoyga ahi. Waxa kale, oo aynu kula dagaalamaynaa inay dhallinyarada ka mashquuliso balwadda, tahriibka, rabshadaha, ku-biirista kooxaha xag-jirka ah iyo qabyaaladda. Adeerayaal, Waxaynu leenahay jidhka caafimaadka qaba, ayuu caqliga caafimaadka qabaa ku jiraa. Sidaa darteed, waa in aynu xoojinaa tartannada ciyaaraha.

Waxaan idin leeyahay ceeb ma’aha in lagaa badiyaa, balse waxa ceeb ah in aad cadhooto haddii lagaa badiyo. Sideedaba ciyaaraha, ama loolanka siyaasadda maalin adigaa badiya, maalinna waa lagaa badinayaa. Haddaba, waxaan idinkula dardaarmayaa in aad u tartantaan si nadiif ah, oo xushmad iyo xaq-dhawr ku jiro. Waxaan idinkula dardaarmayaa in aad xoojisaan xidhiidhka, is-dhexgalka iyo is-barashada dhexdiina. Duco-qabayaal iyo Adeerayaal,Waxaan idinku adkaynayaa in aad ka feejignaataan cudurrada cadowga u ah ciyaartoyga, ee ay ka midka yihiin qaadka, qabyaaladda, iyo qulubka keena dal nacaybka iyo tahriibta. Waxa inoo ballan ah, in aynu xoojino midnimada, Nabadda, iyo wada-jirka ummaddeena, si aynu u hiigsanno horumar iyo himilo wanaagsan.

Waxa maanta dalkeena ka jira qaybo ka mida abaaro xun, oo waxyeelo weyn u gaystay duunyadii la dhaqanayey, dadkiina loo baqayo. Toddobaadkii la soo dhaafay, waxa guddidii aan u xilsaaray gurmadka abaaraha qaranka iyo Wasaaradihii ku shaqada lahaa ay mashquul ku ahaayeen:

1. Gaadhsiinta Gurmad Degdeg ah, gaar ahaan goobihii qaylo-dhaanta xooga lihi ka timi (Raashin iyo Biyo).
2. Diyaarinta Xogo Rasmi ah, oo ka turjumaysa xaqiiqada xaaladda abaarta jirta.
3. Diyaarinta qorsheyaal balaadhan oo loogu gurmanayo dadka abaaruhu tabaaleeyeen.
Maalmaha soo socda ILAAHAY idamkii, waxa la soo bandhigi doonaa warbixinahaas. Sidoo kale, waxa si mug leh, loo samayn doonaa gurmad balaadhan oo ku wajahan abaaraha.

Aniga oo munaasibaddan ka faa’iidaysanaya, waxaan ugu baaqayaa Shacbi-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, in ay si isku-tashi iyo naf-hurisnimo leh uga qayb-qaataan, kaalmada iyo gurmadka loo samayn doono, walaalahooda abaaruhu wax-yeeleeyeen.
Waxaan leeyahay dadkayga “Marka aynu isu naxariisanno, ayuu Ilaaheen inoo naxariisanayaa”. Nabigeenii Suubanaa, Nabad iyo Naxariis Eebe Korkiisa Ha Ahaatee, waxa uu yidhi: “Kuwa Naxariista, Waxa u Naxariista, Allaha Naxariista Badan” Sidaas darteed, waxaan ku guubaabinayaa dadweynaha gudo iyo dibed, qurba-joog iyo qolqol-joog, intuba, in aan loo kala hadhin gurmadka abaaraha.

Waxaan idin leeyahay dadkaygiiyow, waxaynu nahay hal dal, hal dad, iyo hal dareen. Haddaba, si aynu u helno deeq iyo danbi-dhaaf, Abaarta soo noqnoqonaysana Alle inaga dul-qaado, waxa inagu waajib ah, inaynu dhammaanteen isu-uursamaano, isna saamaxno. Waxa kale oo inala gudboon inaynu Allaheena wayn u noqono, iskana cafino wixii xan iyo xumaan ina dhex-martay. Waxa inagu waajib ah in aynu ilaalinno midnimada iyo wada jirka dhexdeena, isla markaana aynu taladeena iyo towfiiqdeenna ummadnimo toosino.

Waxa dhab ah, Murtidii aynu ka dhaxalnay awoowayaasheenii hore “Shan Nin oo isku-talo ah, Hal Shansho ayaa ka go’oda, Shan Nin oo kala talo ahna, shan shansho ayaa ka go’oda”.Waad mahadsan-tihiin,
Munaasibadaasi oo ahayd mid ay ak soo qaybgaleen gudoomiyaha Xisbiga kulmiye, gudoomiyaha xisbiga Ucid, madaxdhaqameed, xildhibaano, salaadiin gudoomiyeyaasha gobolada dalka, qaar ka mid ah maayarada magaalooyinka dalka iyo masuuliyiin dooraya ayaa ku soo dhamaatay jawi qurux badan iyo farxad ay kala dareeren ciyaar yahanadii ku caawa madaxweynuhu casuumay, iyagoo khudbado u jeediyey masuuliyiintaasi da’a yartaasi.

dsc_0000

dsc_0001

dsc_0002

dsc_0003

dsc_0004

dsc_0037

dsc_0042

dsc_0044

dsc_0046

dsc_0048

dsc_0051

dsc_0052

dsc_0054

dsc_0057

dsc_0058

dsc_0061

dsc_0065

dsc_0066

dsc_0067

dsc_0068

dsc_0070

dsc_0073

dsc_0075

dsc_0076

dsc_0081

dsc_0084

dsc_0085

dsc_0086

dsc_0090

dsc_0091

dsc_0095

dsc_0096

dsc_0101

dsc_0103

dsc_0105

dsc_0107

dsc_0109

dsc_0110

dsc_0112

dsc_0113

dsc_0116

dsc_0118

dsc_0119

dsc_0121

dsc_0123

dsc_0128

dsc_0139

dsc_0141

dsc_0148

dsc_0150

dsc_0154

dsc_0162

dsc_0164

dsc_0166

dsc_0167

dsc_0169

dsc_0173

dsc_0176

dsc_0179

dsc_0182

dsc_0184

dsc_0190

dsc_0191

dsc_0209

dsc_0211

dsc_0213