Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Daah-furay Barnaamij Lagu Tayeynayo Laguna Tiro Koobayo Shaqaalaha Dawladda + Sawiro

0
501

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Daah-furay Barnaamij Lagu Tayeynayo Laguna Tiro Koobayo Shaqaalaha Dawladda.

Hargeysa-22.01.2018-(WSN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si ramsi ah u daah-furay qorshe ballaadhan oo lagu tiro koobayo shaqaale weynaha rayidka ah ee ka hawlgala xarumaha kala duwan ee dawladda, kaas ay hormood ka tahay hay’adda shaqaalaha dawladdu.

Munaasibadda daah-furka hawshan oo maanta ka bilaabantay madaxtoyada Somaliland, ayaa waxa ibo furay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaana qayb ka ahaa guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Mudane Sharma’arke Axmed Muxumed Geelle iyo wasiirka wasaaradda shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska, Marwo Hindi Jaamac Xirsi.

Ugu horrayn guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland Mudane Sharma’arke Axmed Muxumed Geele oo munaasibadda lagu daah-furay tayeynta iyo sugidda tirada shaqaalaha dawladda hadallo kooban ka jeediyey, ayaa tilmaamay inay tallaabadani tahay mid lagu kobcinayo xirfadda shaqaalaha, isla markaana caddaaladooda lagu sugayo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Maanta waxa aynu daah-furaynaa bilowga laba kaclaynta qaranka oo ah in la diyaariyo shaqaale wanaagsan oo qaranka siiya adeeg tayeysan, waxana aynu kobcin doonaa xirfaddooda, xoolahooda iyo dhammaanba wixii ay agab iyo adduunba inooga baahdaan si ay u bixiyaan adeeg wanaagsan”.

Wasiirka wasaaradda shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada Marwo Hindi Jaamac Xirsi, ayaa iyaduna xustay in sugidda tirada shaqaalaha rayidka ah ee dawladda u shaqeeyaa hal-beeg u noqon doonto qorsheyaasha qaranka muhiimka ah ee la qaadanayo, waxaana ay tidhi, “Maadaama oo aynu nahay qaran jira waxa muhiim ah inaynu ogaanno ummadeena inta shaqaysa iyo inta uqalanta shaqooyinka ay hayaan iyo inta aan u qalmin, marka aynu ogaanno tirada shaqaalaheenana waxa aynu ogaan karnaa tirada shaqaalaha aynu qaadan karno sanad-miisaaniyadeed kasta iyo xirfadaha aynu u baahanahay inaynu ku kordhinno, farriintayduna waa in waqtiga shaqada la ilaaliyo oo uu qofkuna shaqadiisa ilaashado.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in ujeedda laga leeyahay barnaamijkan shaqaalaha dawladda lagu tiro koobayaa tahay sidii kor loogu qaadi lahaa kalsoonida ay shacabku ku qabaan shaqaalaha dawladda ee gacanta ku haya adeegyada bulshada loo hayo, waxaana uu yidhi,“Ujeeddada aynu hawshan iyo tirintan ka leenahay waa inaynu dadka ku abuurno qaran ahaan iyo shaqaale ahaanba kalsooni ah inay wax waliba u socdaan si hufan oo aan musuq lahayn, dawladina waxa ay ku dhisan tahay aaminaadka dadka’e waxa la inaga rabaa inaynu dadku ku qancaan inaynu ugu adeegayno si daacad ah oo aan lahayn musuq ama aanu qofku tirsanayn caddaalad-darro lagu dulmaayo awoodda dawladda.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa farta ku fiiqay in abuuritaanka jawi kalsooniyeed oo laga dhex unkumo cashuur bixiyeyaasha iyo dawladdu halbeeg u tahay isku filaansho iyo horumar qaranku gaadho, “Haddii dadka shicibka ah ee dhaqaalaha haysta iyo qofka aan haysanin ee caadiga ahi sida taajirka lacagta badan laga qaado, islaanta tamaandhada iibinaysa ee wax laga qaado iyo qofka shaqaalaha ah ee mushaharka yar qaata ee wax laga jaraa ay aaminaan in lacagtaa laga qaaday ay halkii loogu tallo galay ku dhacayso waxaan aaminsanahay inaynu wax badan dhibaatooyinka jira ka baxayno oo aynu isku filnaansho gaadhayno, xukuumad ahaanna waxa la inaga rabaa inaynu taas hirgelino, si taas loo hirgeliyana waxa aynu ka bilownay inaynu shaqaalaha dawladda ogaanno,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa shaaciyey in hawshani bilow u noqon doonto garsoor shaqaalaha dhexdooda ah, isla markaan aan wax haddidaad ah loo geysan doonin shaqaalaha dawladda, waxaana uu yidhi, “Waxa soo noqnoqday in dawladdu mushahar badan bixiso oo in badan oo mushaharkaas kamid ah ay qaataan dad aan shaqaynini, amaba dad aan jirini, taas weynu hubinaynaynaa, midna weynu ognahay oo dadka mushaharka la siiyaa wuu yar yahay oo kuma filna, taasina waxa ay keentaa niyad-jabka iyo musuqa, si taas looga baxana waxa aynu ogaanaynaa tirada aynu u baahanahay, dabadeedna waxaynu ku dedaali doonaa in wixii la inoo dhiibo amaba qaranka cashuur ahaan looga soo ururiyaa uu halkiisii oo aan musuq lahayn uu galo, waxaana aynu ku dari doonnaa in shaqada loo sinnaado oo uu qof kastaa kusoo galo aqoontiisii, maantana tani waa bilow, shaqaalahana lama eryayo lamana riix-riixayee waxa la hubsanayaa imisaa inoo shaqeeya, imisaase inaga dhiman.”

Barnaamijka lagu sugayo tirada shaqaalaha rayidka ah ee dawladda u shaqeeyo, isla markaana dib loogu eegayo tayadooda, ayaa socon doona muddo toddobaatan (70) maalmood ah, waxaana ka qayb ah qorshayaashii lagu samayn lahaa hawlgabka shaqaalaha dawladda, maadaama oo ay jiraan shaqaale badan oo gaadhay da’dii ay hawlgab ku noqon lahaayeen.