Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Dhambaal hambalyo ah u diray boqorka isu-taga Imaaraadka Carabta Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan.

0
344

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Dhambaal hambalyo ah u diray boqorka isu-taga Imaaraadka Carabta Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan.

HARGEYSA()WARSUGANNEWSWAR-SAXAAFADEED: 24/03/2016 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu dhambaal mahadnaq ah u diray boqorka isu-taga Imaaraadka Carabta Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, Xukuumada isu-taga imaaraadka carabta iyo shacbiga dalkaasiba guud ahaan.

Dhambaalkan mahadnaqa ah waxa uu madaxweynuhu ku sheegay inuu si buuxda ugu mahadnaqayo boqorka, Xukuumada iyo Shacbiga Imaaraadka ugu mahadnaqaas oo ku saabsan kaalmada taakulada isdaba-jooga ah ee ay la soo gaadheen shacbiga tabaalaysan ee reer Somaliland, taas oo ay soo bilaabeen bishii Oktoobar (October) ee sanadkii hore ilaa haddana ay wadaan oo raashin ku filan sideed kun oo qoys (8Kun) ay ugu danbaysay caawimada isutaga imaaraadka, kuwaas oo qaybintoodu ka socoto gobolada bariga Somaliland, gaar ahaan Togdheer, Sool, Sanaag, iyo degmooyinka Oodweyne iyo Saraar.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in saaxiibka wanaagsani yahay ka marka ay baahidu jirto ku barbartaagan (A friend in need is a friend indeed) dalka imaaraadka carabtuna waxa uu muujiyey inuu yahay saaxiibka reer Somaliland ee wakhtigan abaartu hayso isagoo ka danbaday madaxweynuhu inay halkaasi ka sii wadaan taakuladooda madaama oo abaartii baahday, dadkiina ay halis ugu jiraan macaluul iyada oo ay dhawr isugu jira waayeel iyo carruuri ay dhinteen.

Dhinaca kale waxa uu madaxwyenuhu xusay abaarta ka sakow in isu-taga imaaraadka carabtu uu dalka ka wado mashaariic horumarineed oo ay ka mid yihiin, mashaariicda biyo gelinta ee caasimada hargeysa ee Xumbo weyne, mashruuca kawaanka qalliinka xoolaha ee berbera, ismaha wasaaradda diinta iyo Awqaafta oo xarun balaadhan oo imaaraadku maalgelinaayo uu hadda socdo, iyadoo mashaariic kale oo lagu hagaajinaayo ceelasha biyaha ay ka wadaan meelo badan oo dalka ka mid ah.

Dhambaalkaa mahadnaqa ah oo madaxweynuhu u sii mariyey safiirka Somaliland u fadhiya dalka imaaraadka carabta, Amb. Baashe Cawil Cumar oo isagu intii uu xilkaasi hayey muujiyey dedaal iyo karti waxku ool ah, taas oo ay marag u tahay iskaashiga isu-taga imaaraadka carabta iyo Somaliland oo xoogaystay, dalkana ay soo gaadhayeen wufuud kala duwan oo ay ugu danbaysay weftigii balaadhnaa ee dalka imaaraadka ka socday, una socday sidii ay mashaariic ay ka mid yihiin inay wax la qabantaan idaacada quraanka kariinka ah, Xarunta agoomaha ee Hargeysa, Wasaaradda Diiinta iyo Awqaafta iyo Jaamacada Hargeysa.

Ugu danbayn madaxweynuhu waxa uu sheegay cidaan u mahadnaqin dadka waxtara in aanay ilaahayna u mahadnaqin, sidaasi awgeedna uu u mahadnaqayo Boqorka, Xukuumada iyo Shacbiga Imaaraadka Carabta.

ALLAA MAHAD LEH
Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.