Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Khudbad Qiimo Leh Ka Jeediyey Munaasibadda Xuska 8-da Maarso Oo Uu Ka Qayb-galay + Video

0
618

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Khudbad Qiimo Leh Ka Jeediyey Munaasibadda Xuska 8-da Maarso Oo Uu Ka Qayb-galay

Hargeysa-08-03-2018-(WSN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay xuska maalinta haweenka Adduunka ee 8-da bisha March oo si weyn looga xusay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Xuska munaasibadda siddeeda march oo lagu qabtay xarunta Hay’adda shaqaalaha dawladda, ayuu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka jeediyey khudbad miisaan leh oo ku saabsan muhiimadda haweenka iyo kaalinta ay kaga jiraan nolosha guud ahaan mujtamaca, waxaana uu taxay kaalmaha lama illaawaanka ah ee ay nolosha ku leeyihiin.

Ugu horrayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sharraxay sida ay haweenku u hoggaamiyaan guul kasta oo uu gaadho Bani’aadam ku nool dunida guudkeedu iyo sida aan marnaba looga saari Karin haweenka horumar kasta oo lagaadho, waxaana uu yidhi, “Guud ahaan haweenka waxaan ku hambalyeynayaa tiirka koowaad ee ay kaga jiraan nolosha Bani’aadamka, tiirka koowaad ee uu Bani’aadamku ku dhaqan yahayna waa Hooyo, haddii aanay Hooyo jiri lahaynna bani’aadamku wuu dabar go’i lahaa, adduunyadana qof kasta oo wax taray, ka dayaxa fuulay, ka dawada keenay, ka wadnaha qala iyo qof kasta oo haldoor ah oo ama aqoon leh, ama adduunyada wax kusoo kordhiyey, waxa uu ku yimi awoodda Hooyada.”

Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah u hogo-tusaaleeyey qiimaha ay maalinta 8-da March u leedahay guud ahaanba haweenka Islaamka ah iyo ujeeddada laga leeyahay, waxaana uu shaaca ka qaaday inay tahay madal lagu soo bandhigayo muhiimadda uu Islaamku siiyey Haweenka, “Dad badan baa yidhaahda siddeeda March waa tallaabo gaaleed ee maxaynu u raacaynaa, laakiin innagu tallaabo Gaaleed ma raacayno’e waxa aynu adduunka kala qayb-gelaynaa in Hooyada iyo haweenka la qaddarniyo oo la karaameeyo, innaga oo ku sugan xuduudda Islaamka, marka aynu taariikhda Islaamka eegnona, Islaamku umuu diidin inay adduun iyo dhaqaale yeeshaan, waxana uu raga kala simay inay ku dhaqmaan shuruucda Islaamka, mana uu liidin kaalintooda waxtarka leh. Waxa aynu ku wada-hadlaynaa waa tallada ay dumarku gelayaan, awoodda ay yeelanayaan iyo waxa ay qabanayaan shuruucda Islaamka haku ekaato, ta aynu doonayno inaynu adduunka tusno oo aynu gaalada ku hagaajinnaana waa taas, waxaana aynu diidaynaa in loo qaato in Islaamku dumarka dulmay, balse la ogaado inay Islaamka hoggaaminayaan,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sheegay inay duruufo adagi ku gedaaman yihiin haweenka ku dhaqan Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas dhinaca dhaqanka iyo aqoonta la xidhiidha, balse ay u muuqato inay qaarkood kasoo kabsan doonaan, waxaana uu yidhi, “Haweenka Somaliland, waxa ku gedaaman caqabado badan oo duruufo, dhaqan iyo aqoon-darro keentay, haweenka Somaliland-na waxa u yaalla ugu horrayn in lagula dedaalo inay aqoonta qaybtooda ku yeeshaan, marka la eego Dugsiyada carruurta waxbarashada Hoose bilowda, waxa laga yaabaa inay tirada isku dhawdahay oo ay habluhu noqdaan 40%(boqolkiiba afartan), meelaha magaalooyinka ah, laakiin marka dugsiyada sare la gaadho habluhu waxa ay kusoo dhacaan tiro ka yar 30% (boqolkiiba soddon) ama shan iyo labaatan boqolkiiba. Marka ay jaamacadaha gaadhaanna waxa laga yaabaa intii dugsi sare ka baxday inaanay halkaas kula sinnayn, taasna waxa sabab u ah ragga oo samir daran oo imika jaamacadaha aan ku raagin, duruufo jira awgood, halkaasna waxa kasoo baxay in hablaha aqoontoodu korodhay, waxa kale oo farxad leh in marka lagu tartamayo Qur’aanka iyo Diinta in habluhu ay kaalinta koowaad galaan.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu madaxweynuhu intaas ku daray, “Haweenka intaas waxa u dheer shaqo la’aan, waxaana ay leeyihiin duruufo badan oo dheeraad ah, waayo sida loo kala abuuran yahay, ayaa kala duwan, waxaana ay qabaan duruufo caafimaad oo ka badan kuwa ragga oo in loo tixgeliyo u baahan, waxaana ay qabaan shaqooyin siyaado ah oo maalinle ah oo ka badan kuwa ragga, waayo Hooyada guriga oo dhan kaligeed baa lagaga tagaa, waxa aynu doonaynaa in inaga oo wada-jirna aynu caqabadahaas ka gudubno, waayo haweenku waa 50%(boqolkiiba konton), haddii mujtamaceenna boqolkiiba konton la aqoonsan waayo ama xuquuqdiisa lagu xad-gudbo qaranku hore u mari maayo, inaga oo taas ka duulaynana waa inaynu ka jawaabnaa baahida dumarka oo ugu horrayn aynu u aqoonsanaa waxa ay qabteen iyo hawsha ay inaga dheer yihiin.”