telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo La Kulmay Madaxa Guddiga caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas

WAR-SAXAAFADEED: 18/12/2018-(Warsuganews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la qaatay wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo madaxa Guddiga caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) Mr. Simon Brooks.

Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay weftiga, ayaa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka wada-shaqayneed ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Guddida caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) looguna diyaar garoobi lahaa qorshaha sannadka 2019-ka, oo ay ICRC xoogga ku saari doonto adeegyada aas-aasiga ah iyo gurmadka deg-degaa, iyadoo la kaashanaysa Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland.

Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf, halka dhinaca weftigana ay weheliyeen Madaxa laanqayrta cas, masuuliyiin ka socday ICRC oo uu ka mid ahaa Wakiilka u qaabilsan Xafiiska ay Somaliland ku leedahay Laanqayrta cas Mr. David McMullen.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

86 total views, 0 views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins