Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo kulan muhiim ah la yeeshay Madaxda laamaha Xukuumadda oo dhan

0
389

WAR-SAXAAFADEED
Taariikh: – 21/01/2016
Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo kulan muhiim ah la yeeshay Madaxda laamaha Xukuumadda oo dhan.

Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa maanta (21.01.2016) Qasriga Madaxtooyada shir muhiima ah oo balaadhan ugu yeedhay dhammaanba madaxda qaybaha ay ka kooban tahay Xukuumaddu, kuwaasoo kala ahaa Xubanaha Golaha Wasiirada, Agaasimeyaasha guud, Gudoomiye-yaasha & Maayeeyeyaasha Hay’adaha madaxa bannaan ee Xukuumadda, iyo Taliyeyaasha qaybaha kala duwan ee Ciimada Qaranka. Shirkan waxa ay ujeedadiisu ahayd in war-bixin laga dhagaysto Guddidii uu Madaxweynuhu u saaray (03.12.2015) inay xog buuxda ka soo ururiyaan sicir-bararka dalka ka jira isla markaana ka soo talo bixiyaan wixii arrintaa lagu xallili karo. Dhinaca kale, dulucda shirku waxay ahayd in Xukuumaddu ay ka wada hadasho doorka kaga beegan kor u qaadidda kalsooonida, aaminaada iyo isticimaalka lacagta Shilinka Somaliland iyo ka hortagga qiimo dhaca lacagta Qaranka Somaliland.

Furitaankii shirka Madaxweynuhu wuxuu masuuliyiinta Xukuumadda u sheegay in dal kasta uu leeyahay Calan iyo Calaamad u gaar oo dunida lagaga dir sooco. Astaamaha Qarannimada JSL waxa ka mid ah lacagteenna taasoo ah Shilinka Somaliland, sidaa darteedna ay Dawlad ahaan waajib inagu tahay in la ilaaliyo Qiimaha lacagteena. Madaxweynuhu wuxuu si adag u sheegay in ay tahay wax laga xumaado in aynu ummad ahaan ku kalsoonaan weyno lacagtii Qarankeena, oo xataa shaqaale weynihii iyo madaxdii Dawladdu ee mushaharka ku qaadanayey ay isticmaali waayaan lacagta dalkeena ama ay ka door bidaan lacag qalaad. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in arrintaasi tahay mid aan la aqbali karin oo aan dib loogu dulqaadan doonin. Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu masuuliyiinta Xukuumadda u sheegay in isticmaalka, qiime u yeelidda iyo aaminaada lacagteenu ay tahay tallaabada iyo yoolka ugu mudan ee ay Xukuumaddu hiigsanayso sidii loo xaqiijin lahaa sannadka 2016-ka. Fulinta iyo hir gelinta qodobada iyo talooyinka ay soo jeediyaan Guddida talo-bixinta sicir-bararku waa siyaasad Qaran oo u baahan in si buuxda oo dhammaystiran la isu garab taago. Sidaa darteed, Madaxweynuhu wuxuu masuuliyiinta sare ee Xukuumadda ku adkeeyey inay hormuud ka noqdaan meel-marinta go’aamadaasi, kuwaasoo dabagal lagu samayn doono.

ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.