Madaxweynaha JSL, Oo Maanta Ka Qaybgalay Ciyaarta Kama Dambaysta Ah Ee Koobka Gobolada Somaliland Oo Dhexmartay Xulalka Awdal Iyo Saaxil, Iyadoo Guushuna Raacday Gobolka Awdal +SWIRO

0
615

Madaxweynaha JSL, Oo Maanta Ka Qaybgalay Ciyaarta Kama Dambaysta Ah Ee Koobka Gobolada Somaliland Oo Dhexmartay Xulalka Awdal Iyo Saaxil, Iyadoo Guushuna Raacday Gobolka Awdal.

Hargeysa(WSN)Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu galabta ka qaybgalay daawashada ciyaartii kama dambaysta ahayd ee koobka xiisaha badan ee gobolada dalka Somaliland. Ciyaartaas oo ahayd mid xamaasad gaara leh labada kooxoodna ay soo bandhigeen ciyaar aad u qurux badan oo dadkii daawanayey la dhaceen hanaanka ay u wada ciyaareen labadaa xul, ayaa qaybtii horeba waxa laba gool dhalisay xulka gobolka Awdal, markiii laga soo laabtay qaybta nasashada ee hafkii hore layskuna soo noqday garoonka waxa gool la timid gobolka saaxil, inkasta oo hool ku laad ciyaarta dhexdeeda loo dhigay ay lumiyeen xulka gobolka saaxil, waxay ciyaartii noqotay gari laba nin kama wada qoslisee waxa koobkii la caraabay guushuna raacday Xulkii ku ciyaaryay Gobolka Awdal.

Markii Ciyaartu dhamaatayna Madaxweynuhu waxa uu abaal marino kala duwan gudoonsiiyey ciyaar yahanadii ugu wanaagsanaa tartanku intii uu socday, iyo koobabkii kala duwanaa ee isugu jiray Orodada, Baaskidka oo iyana uu madaxweynuhu halkaasi ku gudoonsiiyey xulalkii ku guulaystay, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu shahaado sharaf gudoonsiiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyada, Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeyo guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, Wasaaradad Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigelinta.

Ugu dambayntiina waxa madaxweynuhu uu bixiyey Koobkii Qiimaha gaarka ah lahaa ee loo tartamayey ee ay ku guulaysteen Xulka Gobolka Awdal, waxaana sidaasi ku soo xidhmay tartankii koobka gobolada Somaliland.

Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, oo warbaahinta la hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyey gabagabada tartanka ciyaaraha goblada dalka waxaanu yidhi “ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, iyo xubno wasiiro ah oo aan ka mid ahay ayaa galabta garoonka Hargeysa Stadium kaga qayb galay gunnaanadka tartanka ciyaaraha gobollada.

“ Tartanka ciyaaraha gobollada Jamhuuriyadda Somaliland, Xukuumad ahaan waxaanu saarnay xoog sidii ay u qabsoomi lahaayeen, waxaanu uga gol lahayn in aanu beerno jidh caafimaad qaba, in aanu dhiiri galino is dhexgalka, iyo isbarashada ciyaartoyga da’ yarta ah, in ciyaartoyga iyo dhalinyarada guud ahaan laga mashquuliyo balwadaha, tahriibka iyo wixii la mida ah. “
Mudane Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalen hambalyey wasaarada Ciyaaraha waxanu yidhi “ Ciyaaraha maalinba cidbaa badisa, kubadduna waa bar madow iyo bar cad, waxaan leeyahay Hambalyo Qaranka Somaliland oo dhan sida ciyaaraha gobolladu inoogu qabsoomeen, oo runtii aad iyo aad ugu duwanaa qaabkii hore. Wasaarada Ciyaaraha iyo dhalinyarada Jamhuuriyadda Somaliland guud ahaan waan u hambalyeynayaa, gaar ahaana waxaan u hambalyeynayaa ciyaartoygii ka soo qayb galay tartankan, kuwii wareegii koowaad ku hadhay iyo kuwii wareega labaad u soo gudbayba.

Wasiirka Madaxtooyadda ayaa sidoo kale hambalyo u diray kooxaha xulalka gobolka Awdal iyo gobolka Saaxil waxaanu yidhi “ Waxaan hambalyo weyn u jeedinayaa xulka gobolka Awdal iyo xulka gobolka Saaxil oo maanta ciyaartii kama dambaysta ahayd ku kulmay, waxaan leeyahay xulka gobolka Awdal hambalyo, koobka ay qaadeen, aad ayaan ugu hambalyeynayaa ugu bogaadinayaa, waxay soo bandhigeen dadaal faro badan. Dhinaca kale xulka gobolka Saaxil iyagana waxaan ku bogaadinayaa oo ay soo bandhigeen ciyaar aad u fiican oo farshaxan-nimo leh sidoo kalena waxaan ku hambalyeynayaa koobkii ay xalay qaadeen ee kubadda kolayga, waxaan leeyahay qoloba hal koob ayey la carowday, markaa guul weyn weeye, waxaan rajaynayaa inay halkaas inooga sii socdaan, sanad walba aynu wax korodhsano, qabashada tartanka ciyaaraha Goboladu qaran ahaana waa guul inoo soo hoyatay.”
dsc_0000

dsc_0001

dsc_0002

dsc_0003

dsc_0004

dsc_0005

dsc_0012

dsc_0020

dsc_0023

dsc_0027

dsc_0030

dsc_0031

dsc_0032

dsc_0034

dsc_0035

dsc_0036

dsc_0037

dsc_0038

dsc_0041

dsc_0044

dsc_0048

dsc_0050

dsc_0051

dsc_0052

dsc_0056

dsc_0066

dsc_0071

dsc_0073

dsc_0080

dsc_0082

dsc_0087

dsc_0090

dsc_0098

dsc_0099

dsc_0113

dsc_0116

dsc_0128

dsc_0135

dsc_0142

dsc_0144

dsc_0148

dsc_0151

dsc_0153

dsc_0159

dsc_0165

dsc_0170

dsc_0172

dsc_0174

dsc_0176

dsc_0177

dsc_0185

dsc_0190

dsc_0191

dsc_0192

dsc_0196

dsc_0209

dsc_0221

dsc_0227

dsc_0232

dsc_0242

dsc_0247

dsc_0248

dsc_0250

dsc_0255

dsc_0256

dsc_0257

dsc_0269

dsc_0273

dsc_0279

dsc_0283

dsc_0286

dsc_0289

dsc_0294

dsc_0305

dsc_0321

dsc_0328

dsc_0337

dsc_0349

dsc_0368

dsc_0384

dsc_0386

dsc_0403

dsc_0405

dsc_0410

dsc_0414