Madaxweynaha JSL Oo Subaxdnimadii Hore Ee Saaka Kormeer Kedis Ah Ku Tagay Qaar Ka Mid Ah Hay’adaha Xukuumadda, Markii Dambana La Qaxweeyey Qaybo Ka Mid Ah Bulshada Ku Nool Caasimada + SAWIRO

0
387

Madaxweynaha JSL Oo Subaxdnimadii Hore Ee Saaka Kormeer Kedis Ah Ku Tagay Qaar Ka Mid Ah Hay’adaha Xukuumadda, Markii Dambana La Qaxweeyey Qaybo Ka Mid Ah Bulshada Ku Nool Caasimada.

Hargeysa(WSN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo ay wehelinayaan Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha, Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Taliyaha Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada, ayaa subaxnimadii hore ee saaka (16.01.2017) kormeer kedis ah ku tegay Hay’adaha Xukuumadda oo ay ka mid yihiin Wasaaraddaha: Ganacsiga, Beeraha, Waxbarashada, Warfaafinta iyo Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.

Kormeerkan Kediska ah ee Madaxweynaha, ayaa ujeedadiisu ahayd dardar-gelinta hawlaha Qaranka iyo u kuur-galka sida ay u socdaan hawl maalmeedka Hay’adaha Xukuumaddu. Goobihii uu Madaxweynuhu subaxnimadii hore booqashada ku tagay wuxuu xog warran ka dhegeystay masuuliyiinta iyo maalmulka Hay’adaha Xukuumadda ee waqtigaa ku sugnaa goobta shaqada ama xarumahooda.

Ugu horayn waxa uu Madaxweynuhu wuxuu kormeerkiisa Kediska ah ka bilaabay Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu Madaxweynuhu war bixin ka dhegeystay Wasiir-ku-Xigeenka Wasaarada, Mudane, Axmed Maxamuud Nuur iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, mudane, Cabdirashiid Axmed Guuleed, oo uu wehelinayo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Mudane, Maxamuud Warsame Jaamac. Madaxweynuhuna wuxuu shaqaalaha iyo Masuuliyiinta Wasaaradda ugu duceeyey in ALLAH ku asturo shaqada ay qaranka u hayaan.

Madaxweynuhu waxa uu uga sii gudbay Wasaaradda Beeraha, waxaanu warbixino la xidhiidha shaqada Wasaarada ka dhegeystay Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed Aw Daahir Ibraahim, oo uu wehelinaayo agaasimaha guud ee wasaaradu, isagoo Madaxweynuhu soo kormeeray dhismayaal ka socda Wasaaradda gudeheeda oo loogu tala-galay inay noqdaan Xarumaha Shaybaadhka Wasaaradda. Ka dibna Madaxweynuhu wuxuu booqday Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, waqtigii uu ku sugnaa Wasaaradda waxaa xafiis xafiis u geeyey sharraxaadna siiyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Mudane, Professor Cabdi Cali Jaamac. Madaxweynuhu waxa kale oo uu warbixino ka dhegeystay Agaasimaha Tacliinta Sare iyo qaar ka mid ah Madax qaybeedyada Wasaaradda. Ugu dambayntii Madaxweynuhu wuxuu bahada Waxbarshada ugu duceeyey in Alle la qabto dedaalka horumarineed ee ay ugu jiraan tayeynta tacliinta dalka.

Madaxweynuhu wuxuu uga sii gudbay isla markaana uu soo kormeeray Xarunta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, waxana Madaxweynaha halkaasi ku soo dhaweeyey Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Mudane Sharmaake Axmed Muxumed (Geelle), oo war bixin dheer Madaxweynaha ka siiyey hanaanka shaqo iyo shaqaalaynta ee ay Hay’addu u qabato Qaranka iyo weliba sida ay ugu cadaalad sameeyaan da’a yarta faraha badan ee hamigoodu yahay inay ka hawlgalaan qaybaha kala duwan ee qaranka Somaliland, wakhtigaa uu madaxweynuhu kormeerka ku joogay hay’adda shaqaalahana waxa ku sugnaa dhalinyaro faro badan oo shaqo tag ah, gudoomiyaha oo madaxweynaha arrintaasi xog ka siiyeyna waxa uu sheegay in uu kefed ka turjumaysa miisaanka xaqa ah ee ay ugu garsooraan shaqaalaha ay miiska u saaran tahay, kuna qanciyaan shacbiga inay ku talogalaan sinaan iyo cadaalad inay kala kulmaan halkan.

Madaxweynuhu wuxuu uga sii gudbay isla markaana uu soo kormeeray Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta, markii uu gaadhayna waxa Madaxweynaha barxada hore ee Wasaaradda ku soo dhaweeyey Maareeyaha Televisionka Qaranka Somaliland, Khadar Maxamed Cakule oo isagu madaxweynaha warbixin mug iyo miisaan leh ka siiyey baaxada iyo miisaanka ay ugu fadhido qaranka, waxaanu madaxweynuhu kormeeray qaybaha kala duwan ee wasaaradu ka kooban tahay isagoo mid walba is dultaagay warbixina ka dhegeystay agaasime waaxeedyada iyo agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane Haldoor Axmed Abokor Maxamed iyo Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinat Mudane, Guuleed Cabdi Xasan.

Madaxweynuhuna waxa uu shaqaalaha iyo masuuliyiinta bahda warfaafinta iyo wacyigelinta kula dardaarmay inay dedaalkooda halkaasi ka sii wadaan oo aanay is dhigan, isagoo ugu duceeyey. Kormeerkaa Wasaaraddaha iyo Hay’adaha Dawladda ka dib, Madaxweynuhu waxa uu qadar nasasho ah la qaatay qaybo ka mid ah bulshada Somaliland gaar ahaan kuwii saaka ku sugnaa Hotel Maansoor Hargeysa, oo uu Madaxweynuhu la qaxweeyey dadweyne aan ka filanayn in Madaxweynuhu ku soo booqdo goobtaasi isaga oon wax shaqo ama hawl maalmeed ah ku lahayn balse si kedis ah uun uga mid noqday dadweynihii ku sugnaa gudaha Hotelka.
Dadkii ka ag dhawaa goobahaasi ayaa ka dareen celiyey sida ay u arkaan booqashada Madaxweynuhu ku yimid Hoteelka, waxaana ka mid ahayd dadkaasi haweenay qurba-jooga reer Somaliland ah oo maalmo ka hor dalka Norway ka timid waxaanay tidhi:

“Runtii farxad weyn ayey ii tahay maanta in aan halkan kula kulmo Madaxweynaha kuna salaamo aniga oo ka imid wadan fog, muddo yar oo gaabana joogay Somaliland, aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inay suurto gal ii noqoto in si kedisa oo lama filaan ah aan kula kulmay Hotel Maansoor maanta madaxweynaha oo aan salaamo farxad ayey I tahay aad iyo aad u weyn, halkana ka maan filayn runtii meel”.
Sidoo Kale waxa isna ka mid ahaa dadkii la kulmay madaxweynaha siyaasi Cabdilaahi Bakayle waxaanu yidhi “Meesha kamaanu filayn madaxweynaha oo sidaanu u fadhinay ayaanu aragnay madaxweynihii kelidii socda, waanu boodnay runtii oo salaanta ayaanu la boobnay qolo ayaanu ku balan sanayn halkan balse tani waxay ku tusaysaa in madaxweynuhu dadkiisa la dhaqmo oo inuu gaar ugu yimaado uu jecel yahay, waxa kale oo ay ina tusaysaa inuu qof caadiya yahay oo goor walba loo tegi karo lana heli karo uu yahay, ummaddiisana keer garaynaya, waana aanu ku soo dhawaynaynaa hotel maansoor weliba koofigana anagaa u shubayna maanta kana bixinayna”.

Isku soo wada duuboo kormeerkan madaxweynuhu saaka ku tegay wasaaradaha iyo goobaha ganacsigu maaha kii ugu horeeyey taariikhda balse waxa uu ka mid yahay taariikho mug leh oo uu madaxweyne Maxamed Maxamed Silaanyo u dhigay dadkiisa iyo dalkiisa oo uu barri ilaa galbeed tuullo iyo degmoba ku soo kormeeray safaridii dhaadheera uguna waa-weynayeen safaradii Hilaaca Xeebaha, Buur iyo Banaan, safarkii xaalada abaaraha ee la magac baxay Tabantaabo, iyo kormeero iyo socdaalo tiro badan oo uu ku gala bixiyey guud ahaan Dalka.

Ma aha markii ugu horaysay ee uu Madaxweynuhu Xarumaha Hay’adaha Xukuumadda iyo meelaha ay bulshadu ku kulanto soo kormeero ee waxa ka horeeyey kuwo taariikhda ku suntan oo uuu ugu horeeyey kii 2010kii uu Madaxweynuhu markii uu talada dalka la wareegay uu ugu kuurgalay xaalada wasaaradaha dalka loogu shaqeeyo iyo qaab dhismoodkooda, waxaana ku xigay kuwo dhawra. Ugu danbayn waxa uu Madaxweynuhu ku soo laabtay Xafiiskiisa oo uu ka sii watay saacadaha uga hadhay shaqada xafiiskiisa.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????


WA-BILAAHI TAWFIIQ
Xafiiska Afhayeenka Iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL