telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Madaxweynaha oo Ciidamada, Qoyskii iyo Shacbiga Somalilandba ka tacsiyadeeyey Geerida Taliyihii Ciidanka Birmadka ee Berbera

Madaxweynaha oo Ciidamada, Qoyskii iyo Shacbiga Somalilandba ka tacsiyadeeyey Geerida Taliyihii Ciidanka Birmadka ee Berbera

TACSI MADAXWEYNE 18/12/2015

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa Saraakiisha, Saraakiil ku xigeenka, Ciidamada Booliska iyo masuuliyiinta kala duwan ee Ciidamada Qaranka Somaliland, isagoo ka tacsiyadaynaaya geerida Taliyihii Ciidanka Birmadka Gobolka Saaxiil Marxuum Aadan Guuleed Daahir (Talaabo) oo 17-12-2015 uu Askari ka tirsan Ciidanka Boolisku ku diley Magaalada Berbera.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taa la mida u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay marxuumku.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu alle uga baryayaa marxuumka inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo shacabka iyo Ciidamada Qarankana samir iyo iimaan ka siiyo marxuumka.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

664 total views, no views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins