telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Madaxweynaha oo Daah-furay Xog Ururinta iyo Tiro-koobka Hantida Maguurtada ah ee Dawladda 01-09-2018,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 01-09-2018, Daah-furay Xog Ururinta iyo Tiro-koobka Hantida Maguurtada ah ee Dawladda oo ay wasaaradda Hawlaha guud, dhulka iyo guryeyntu ka samayn doonto gobolada Somaliland oo dhan.

 

Xogtaas oo noqon doonta mid lagu keydiyo hantida dawladdu leedahay ee ma guurtada ah, waxaana munaasibadaasi oo lagu qabtay qasriga Madaxtooyada Somaliland ka soo qayb-galay, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta, Mudane Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi, La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada, Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, Agaasimaha Wasaaradda Hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta, Md. Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur, Agaasimaha Madaxtooyada JSL, Md, Maxamed Cali bille, masuuliyiin kala duwan iyo hawl-wadeenada wasaaraddaasi.

 

 

Naasir Yuusuf Daahir

Director of the Presidential Media Department

Hargeisa – Republic of Somaliland

Line: 518390

378 total views, 0 views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins