Madaxweynaha oo Dalka ku soo guryo noqday iyo Nuxurka safarkiisa oo uu ka waramay + Suaal laga waydiiyey Weerarkii Jabuuti+Sawiro

0
365

Madaxweynaha oo Dalka ku soo guryo noqday iyo Nuxurka safarkiisa oo uu ka waramay + Suaal laga waydiiyey Weerarkii Jabuuti+Sawiro
Hargeysa(Warsugannews)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo waftigii uu hogaaminaayay ayaa maanta dalka dib ugu soo guryo noqday, ka dib markii ay soo dhamaysteen boqasho ay ku joogeen muddo afar maalmood ah boqortooyada Kuwait halkaas oo uu ku marti-qaaday Amiirka dalka Kuwait Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah.

Madaxwaynaha iyo waftigiisa oo ay sidday diyaaradii khaaska ahayd ee boqorka Kuwait uu u soo diray ayaa ka soo degtay dhabaha diyuuradaha caalamiga ah ee Cigaal International Airport abbaaro Shantii Galabnimo ee maanta, waxaana ku soo dhaweeyay garoonka Madaxwayne ku xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan C/laahi Ismaciil (Saylici), Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye, ahna Musharaxa Madaxwaynaha Mudane Muuse Biix Cabdi, wasiiro Taliyayaasha ciidamada kala duwan ee Qaranka Xildhibaano ka tirsan goloyaasha qaranka, masuuliyiin ka tirsan dawladda iyo dadwayne tiro badan.

Madaxwaynuhu wuxuu mid mid u gacan qaaday masuuliyiinta soo dhawaysay iyo dadwaynaha ku sugnaa garoonka markuu ka soo degay Diyaarada, isagoo u soo gudbay Xarunta madaxtooyada JSL, waxaana intuu dhexda ku soo jiray ay dadwaynaha magaaladu u gacan haadinayeen salaamayeena madaxwaynaha Qaranka.

Madaxwaynuhu markuu soo gaadhay qasriga madaxtooyada waxa uu salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan ciidanka qalabka sida iyadoo ay halkaasi ku tumeen Heesta calanka oo ay tumayeen baanboyda Ciidanka Booliska iyo Militaryga.

Madaxwaynuhu waxaa uu ka jeediyay hadal ku saabsan booqashadiisi dalka Kuwait isagoo saxaafada la hadlay, kana waramay socdaalkiisi Kuwait, waxaana uu yidhi “waxaan safar afar cisho ah aan ku tagay dalka Kuwait , muddada aan halkaas joogay waxaan kulamo la qaatay madaxda dalka Kuwait oo ugu horreeyo amiirka dalka Kuwait, Amiir Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah , Waxaan amiirka kala hadlay sii xoojinta xidhiidhka labada dal, waxaan si gaara uga mahadceliyay Amiirka mashaariicda horumarineed ee dhaxalgalka ah ee boqortooyada Kuwait ka fulisay dalka, kuwaasoo shacbiga iyo dawladda somalilandba dareensan-yihiin.
Waxaan u gudbiyay Amiirka mashaariic horumarineed oo muhiim ah, oo Somaliland waxa lagula qabanayo, ugana soo jawaabi doono si dhakhso leh.
Sidoo kale, waxaan la kulmay madaxda hay’adaha Khayriyga ee ka hawl gala dalka Kuwait oo ugu horeeyo Guddomiyaha Guddiga maamulka hay’adaha khayriga, ahna La-taliyaha amiirka dalka Kuwait , Dr Cabdalla Mactuug Almactuug.

Waxaanan kala hadlay Abaaraha ka jira Somaliland iyo sida ay gurmad deg deg ah uga gaysan lahayd Boqortooyada Kuwait, isla markaana ay u sii balaadhin lahayd taakulaynta ay siiso dadka dhibaatooyinku lasoo darseen.
Gabo-gabadii, waxaan kulan warbixineed, la qaatay jaaliyada Somaliland ee Dalka Kuwait, oo aan ugu waramay ujeeddada safarkayga iyo xaalada guud ee uu wadanku maraayo.”

Mid ka mid ah Warfidiyeenada ku sugnaa qasriga madaxtooyada ayaa madaxwaynaha waydiiyay mawqifkiisa ku aadan xad gudubkii ciidanka ka tirsan ilaalada xeebaha Jabuuti ay ku dileen hal Askari oo ka tirsan Marines-ka Somaliland mida kalena ay ku dhawaceen ee ka dhacay jasiirada Ceebaad ee Biyaha Somaliland, waxaana madaxweynuhu kaga jawaabay sidan “Ciidamada Jabuuti iyo Somalilandba wixii dhexmaray annagu haddii aanu Somaliland nahay wixii dalkayaga difaaciisa khayr ugu jiro, dani ugu jirto diyaar ayaanu u nahay, waanu difaacno, waana aanu difaacaynaa, waanan ka war qabaynaa, waanan la soconaynaa INSHAA ALLAHU TACAALAA ”.
DSC_000

DSC_0001

DSC_0003

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

DSC_0005

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

DSC_0269

DSC_0270

DSC_0271

DSC_0272

DSC_0274

DSC_0276

DSC_0281

DSC_0282

DSC_0284

DSC_0286

DSC_0287

DSC_0289

DSC_0292

DSC_0296

DSC_0297

DSC_0298

DSC_0301

DSC_0303

DSC_0305

DSC_0308

DSC_0312

DSC_0318

DSC_0322

DSC_0329

DSC_0330

DSC_0333

DSC_0334

DSC_0335

DSC_0336

DSC_0338

DSC_0342

DSC_0343

DSC_0345

DSC_0348

DSC_0349

DSC_0351

DSC_0352

DSC_0354

DSC_0361

DSC_0363

DSC_0366

DSC_0369

DSC_0370

DSC_0371

DSC_0379

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

DSC_0384

DSC_0387

DSC_0389

DSC_0400

DSC_0418

DSC_0423

DSC_0451

DSC_03222

DSC_03232

madaxwene