Madaxweynaha oo Go’aanka Soo Saartay Baabuurta Dawladda ee aan Numbarka Dawladda una xilsaaray hawlaha guud iyo ciidanka nabadgelyada

0
424

Madaxweynaha oo Go’aanka Soo Saartay Baabuurta Dawladda ee aan Numbarka Dawladda una xilsaaray hawlaha guud iyo ciidanka nabadgelyada

Hargeysa(WSN)WAR-SAXAAFADEED: 10/06/2017-Shir aan caadi ahayn oo ay golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland maanta oo ay taariikhdu ahayd 10/06/2017 ay yeesheen shir gudoominayeyna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa lagaga hadlay arrimo dhawra oo ay ka mid ahaayeen sidii loo ilaalin lahaa hantida qaranka, madaama oo ay masuul walba ka saaran tahay masuuliyad gaari ilaalinta iyo dhawrista hantida danta guud ahi.

Waxaanu madaxweynuhu si gaara golaha wasiirada u faray inay dhawraan oo ay ilaaliyaan nidaamka dawladnimo astaamihiisa, sida dhammaan gaadiidka dawlad, waxaana ka madnuca in lagu xidho nambarka shacab gaadiidka dawladda, iyadoo uu madaxweynuhu faray in gaadhiidka dawladda lagu xidho namberka dawlada (GT) laguna xareeyo nambarka shacabka wasaaradda hawlaha guud, guryeynta iyo gaadiidka. Go’aankaa golaha wasiiradana waxa dabagalkeeda u xilsaaran wasaarada hawlaha guud, gaadiidka & guryeynta iyo ciidamada amniga.

ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Saxaafad