Madaxweynaha oo Hambalyo u diray dhamaan shaqaalaha dawlada Munaasibadda Maalinta Shaqaalaha Aduunka 1-da May Awgeed

0
563

30/04/2017
Hambalyadda Madaxweynaha ee Munaasibadda Maalinta Shaqaalaha Aduunka 1-da May.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa munaasibada 1-da May awgeed, wuxuu hambalyo iyo bogaadinba u diray dhammaan Shaqaale-Weynaha JSL, meel kasta oo ay ku sugan yihiinba.


Madaxweynuhu wuxuu shaqaalaha JSL, uga mahadnaqay gudashada xilalka iyo masuuliyadaha kala duwan ee ay Qaranka u hayaan iyadoo weliba ay dalka ka jiraan duruufo abaaro baahsan iyo xaalado dhaqaale oo adag.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu Shaqaalaha JSL, ALLE uga baryey inuu ku asturo shaqooyinka kala duwan ee ay Qarankeena u hayaan.


ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
.