Madaxweynaha oo ku soo laabtay Hargeysa kana soo degay Cigal Airport isagoo ka soo duulay Kuwait terminal Berbera + Sawiro

0
440

Hargeysa(WSN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo maanta ka soo laabtay gobolka Saaxil gaar ahaan magaalo madaxdiisa Berbera oo uu maalmihii u danbeeyey madaxweynuhu u joogay hawlo shaqo oo muhiima ayaa saaka subaxnimadii ka soo duulay garoonka diyaaradaha ee kuwait terminal Airport ka dib markii weftigii madaxweynuhu ay ka soo raaceen diyaarad khaasa kana soo dageen garoonka Cigal International Airport, iyadoo si balaadhan loogu soo dhaweeyey madaarka iyo magaalo madaxda dalka Somaliland ee Hargeysa, oo ay waddooyinka tunaayeen kumanaan dadweyne ah oo sugayey madaxweynaha qaranka ee ka soo laabtay socdaalkiisa maalmaha ahaa ee uu ku wareejiyey dekeda Berbera lana wareegtay shirkada DP World ee somaliland la gaadhay heshiiska taariikhiga ah.

Madaxweynaha oo laamiyada ay ku soo dhaweeyeen dadweyne tiro badan oo isugu soo baxay goobaha muhiimka ah ee dadweynuhu isugu yimaado ayuu madaxweynuhu salaan gacan taag ah ku salaamayey isagoo ay gaadhi wada saarnaayeen marwada koowaad ee qaranka Somaliland, markii ay weftiga madaxweynuhu soo gaadheen madaxtooyada oo ay ku sugnaayeen dadweyne tiro badan ayaa waxa saafada la hadlay afhayeenka madaxtooyada oo ka warbixiyey safarka madaxweynaha iyo hawlihii u qabsoomay intii ay ku sugnaayeen magaalada berbera