Madaxweynaha oo ku wareejiyey guddida heer qaran ee abaaraha lix gaadhi oo nooca Ambalaas ah

0
412

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta ku wareejiyey guddida heer qaran ee abaaraha lix gaadhi oo nooca Ambalaas (Ambulance) ka ah.

Hargeysa(Warsugannews)Gaadiidkan madaxweynuhu waxa uu ugu talogalay in lagu galo gurmadka caafimaadka ee lagu taakulaynayo dadka ku tabaaloobay abaaraha baahay ee dalka ka dhacay.

Madaxweynaha oo halkaasi ka hadlay ayaa shacbiga ay abaartu saamaysay, Alle, uga baryey inuu ka dulqaado abaarta, raxmad khayr qabtana u shubo, waxaanu bogaadiyey hawlaha ay ilaa hadda soo qabteen guddida heer qaran ee abaaruhu iyo kuwa gobolada dalkuba.

Gaadiidkan oo ah qaybtii labaad, waxa ka horeeyey baabuur noocanoo kale ah oo dhammaa shan gaadhi kuwaasoo ay gacan ka geysatay fudaydintooda wasiirka Wasaaradda Maaliyada, Marwo Samsam Cabdi Aadan, waxana mdaxweynaha kala wareegay baabuurtaasi guddida abaaraha oo uu u guddoomay sheekh Xasan Cabdisalaan oo ah guddoomiye ku xigeenka guddida.

Sheekha oo ka hadlay halkaas ayaa ku sifeeyey mdaxweynaha dalka inuu dedaal weyn ka galay waxka qabashada abaaraha, mahadnaqa Illaahay ka dibna u mahadnaqayo hoggaanka dalka ee heeganka u ah inay la talaacaan wax ka qabashada abaaraha.

DSC_0001

DSC_0002

DSC_0003

DSC_0004

DSC_0005

DSC_0006

DSC_0007

DSC_0009

DSC_0010

DSC_0011

DSC_0012

DSC_0013

DSC_0014

DSC_0015

DSC_0064

DSC_0074

DSC_0076

DSC_0083

DSC_0089

DSC_0090

DSC_00103

DSC_0103

DSC_0110

DSC_00112

DSC_00233