Madaxweynaha oo Shacbiga iyo Eheladii uu ka baxay Marxuum Prof. Xuseen Maxamed Aadan Tanzania Tacsi u diray

0
685

Madaxweynaha oo Shacbiga iyo Eheladii uu ka baxay Marxuum Prof. Xuseen Maxamed Aadan Tanzania Tacsi u diray

TACSI MADAXWEYNE -15/01/2017
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Prof. Xuseen Maxamed Aadan (Tanzania) oo ku geeriyooday dalka Maraykanka gaar ahaan magaalada Boston taariikdu markay ahayd 15/01/2016.

Madaxweynaha qaranka Somaliland waxa uu marxuumka ku sifeeyey Aqoonyahan taariikh facweyn ku leh guud ahaan soomaalida iyo aduunka, kana mid ahaa Aqoonyahanadii u horeeyey ee aduunku u aqoonsado Professor-nimadiisa, isagoo aqoon gaara u lahaa Culuunta Siyaasada (Political Science) ahaana aas-asihii unkay “Somali Studies International Association”. Marxuumku waxa uu tusaale u ahaa aqoonyahanka dalka, waana tiir ka baxay dalka iyo dadka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.