Madaxweynaha oo shacbiga ka tacsiyadeeyey Geerida Sheekh Maxamed Muunin

0
360

Madaxweynaha oo shacbiga ka tacsiyadeeyey Geerida Sheekh Maxamed Muunin

TACSI MADAXWEYNE-29/03/2016-IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Hargeysa(Warsugannews)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay marxuum Sheekh Maxamed Muumin Aadan, oo ahaa gudoomiyihii shirkada TELESOM ee Gabiley oo ku geeriyooday Gabiley.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey Sheekh caalima oo door muhiima ka soo qaatay fidinta aqoonta, gaar ahaan tan diinta Islaamka iyo dib u dhiskii dalka, ummaddana ku dhex lahaa mansab iyo maamuus, kana mid ahaa haldoorka iyo waxgaradka gabiley.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryay inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.