Madaxweynaha Oo Tacsi U Diray Golayaasha Qaranka Iyo Qoyskii Uu Ka Baxay Marxuum Xil Xamse Maxamed Gaadaweyne Oo Hargeysa Ku geeriyooday Xalay

0
453

Madaxweynaha Oo Tacsi U Diray Golayaasha Qaranka Iyo Qoyskii Uu Ka Baxay Marxuum Xil Xamse Maxamed Gaadaweyne Oo Hargeysa Ku geeriyooday Xalay

Hargeysa(WSN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa golayaasha qaranka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Xamse Maxamed Gaadaweyne oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 17/07/2017 magaalada Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay muwaadin waayo arag ah oo muddo dheer ka tirsanaa golaha wakiilada, kana soo shaqeeyey arrimaha nabadgelyada iyo dhib u dhiska dalka.
Madaxweynuhu waxa uu Alle uga baryayaa marxuumka inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golayaasha qaranka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyadda JSL.