Madaxweynaha oo tacsi u diray guud ahaan shacbiga Somaliland iyo dhamaan garaadada iyo madaxdhaqameedka Somaliland

0
357

Madaxweynaha oo tacsi u diray guud ahaan shacbiga Somaliland iyo dhamaan garaadada iyo madaxdhaqameedka Somaliland
TACSI MADAXWEYNE-01/07/2016-IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Hargeysa(Warsugannews)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dawladda iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa, garaadada, ugaasyada, boqorada, salaadiinta, cuqaasha, Golayaasha Qaranka, Guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Garaad Abshir Saalax Maxamed oo ku geeriyooday Maanta 01/07/2016 dalka Sweden.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay waayeel waayo arag ah oo hoggaamiye dhaqameed ruug cadaaya, muddo dheerna ku hawlanahaa horumarka iyo isku duubnida shacbiga Somaliland, waxaana garaadka lagu tiriyaa mid ka mida garaadada ugu faca weyn gobolka sool.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumiinka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo garaadada, ugaasyada, boqorada, salaadiinta, cuqaasha, Golayaasha Qaranka, Guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoysaskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.