Madaxweynaha oo Tacsi u diray Madaxda Dhaqanka iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Caaqil Cabdi Cabdillaahi Maxamed (Cabdi Carab)

0
368

Madaxweynaha oo Tacsi u diray Madaxda Dhaqanka iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Caaqil Cabdi Cabdillaahi Maxamed (Cabdi Carab)
TACSI MADAXWEYNE-IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa madaxda dhaqanka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Caaqil Cabdi Cabdillaahi Maxamed (Cabdi Carab) oo ku geeriyooday magaalada Burco 09/01/2016.

Madaxweynaha qaranka Somaliland waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka mid ah tiirarka madaxda dhaqanka togdheer, door muhiima ku lahaa dib u dhiskii iyo nabad kuwada noolaanshaha beelaha Somaliland ku wada dhaqan.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.