Madaxweynaha oo Tacsi u diray Shacbiga Somaliland iyO Qoyskii uu ka baxay Marxuum Aadan Xuseen Cilmi (Aadan David) oo Berbera ku geeriyooday Maanta

0
614

Madaxweynaha oo Tacsi u diray Shacbiga Somaliland iyO Qoyskii uu ka baxay Marxuum Aadan Xuseen Cilmi (Aadan David) oo Berbera ku geeriyooday Maanta

TACSI MADAXWEYNE-13/01/2018-IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Hargeysa(WSN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Aadan Xuseen Cilmi (Aadan David) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 13/01/2018, Gobolka Saaxil gaar ahaan magaalada Berbera.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey Mujaahid ka baxay qaranka, door muhiimana ka soo qaatay haykalkii aas-aaska dawladnimada Somaliland, nabadayntii, dib u heshiisiintii iyo dib u dhiskii dalka, isagoo marxuumku 1991-kii noqday madaxii faraca badda, Madaxa waaxda Operation, iyo xisaabiyaha dekedda Berbera, kadibna noqday maareeye ku-xigeenka dekeda, wixii intaa ka danbeeyeyna ka mid ahaa khuburada ku xeel dheer arrimaha culuumta badda oo uu ka mid ahaa ilaa wakhtigan masuuliyiinta dekeda ka hawlgala. Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin.

Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Waaxda Saxaafadda Madaxtooyada JSL.