Madaxweynaha Qaranka Somaliland oo Hambalyo iyo Salaan Munaasibada Sanadka Cusub 2016ka awgeed u diray dhamaan shacbi weynaha Somaliland

0
676

Madaxweynaha Qaranka Somaliland oo Hambalyo iyo Salaan Munaasibada Sanadka Cusub 2016ka awgeed u diray dhamaan shacbi weynaha Somaliland.

Hambalyadda Madaxweynaha JSL ee Sannadka Cusub 2016-ka

Hargeysa (Warsugannews)-31/12/2015 -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu Hambalyo iyo Salaan ku saabsan munaasabadda Sannadka Cusub ee 2016-ka u dirayaa dhammaanba Shacbi weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, gudaha iyo dibeddaba. Munaasabada Sannadka Cusub oo ka mid ah munaasabadaha Fasaxa Qaran awgeed, Madaxweynuhu waxa uu Hambalyo iyo Salaanba u dirayaa dhammaanba Shaqaalaha kala duwan ee Dawladda, Qaybaha Ciidamada Qalabka sida, Goleyaasha Qaranka iyo Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay ku nool yihiinba.

Madaxweynuhu waxa uu Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ALLAH uga baryayaa inay Sannadka 2016-ka kiisa kale ku gaadhaan Nabadqab, Barwaaqo iyo Horumar. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo wuxuu Shucuubta Bulshada Caalamka u rajaynayaa in Sannadka 2016-ku noqdo kii ula kowsada nabadgelyo iyo xasilooni.

 

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.