Madaxweynaha Somaliland ee La Doortay oo Kulan la Qaatay Wakiillada Laamaha Dibadda iyo Qurba-joogga KULMIYE

0
776

Madaxweynaha Somaliland ee La Doortay oo Kulan la Qaatay Wakiillada Laamaha Dibadda iyo Qurba-joogga KULMIYE

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu ka hadlay xukuumadda uu dhawaan soo dhisayo iyo sida loogu baahan yahay in dadku ku wada niyad samaado

Hargeysa (WSN)- Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan ballaadhan oo mahadnaq ah la qaatay madaxda laamaha KULMIYE ee dibadda iyo taageerayaal qurba-joog ah oo dalka u yimi sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen hawlihii doorashada Madaxtooyada ee qabsoontay 13-kii November 2017.

Kulankan oo ka dhacay xaruntii ololaha xisbiga KULMIYE ee caasimadda Hargeysa galabta, waxa Madaxweynaha cusub Md. Muuse Biixi ku wehelinayey Guddoomiye-ku-xigeennada koowaad, labaad iyo saddexaad ee KULMIYE – Md. Maxamed Kaahin Axmed, Axmed Cabdi Dheere iyo Xuseen Aadan Cadde, xubno ka mid ah saraakiisha sarsare ee xisbiga, madaxda laamaha kala duwan ee dalalka dibadda u qaabilsan xisbiga iyo taageerayaal qurba-joog ah oo dalka u yimi sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen ololihii madaxtinimada ee doorashadii uu ku guulaystay xisbiga KULMIYE.

Xubno ka mid ah madaxda iyo wakiillada xisbiga KULMIYE ee laamaha dibadda oo kulanka hadallo ka jeediyey, ayaa sharraxay doorka laxaadka leh ee qurba-joog ahaan ku leeyihiin guulaha xisbiga KULMIYE iyo dardargelintiisaba, waxaanay shaaca ka qaadeen inay si niyad ah talo iyo tusaaleba ula garabgalaan Madaxweynaha cusub ee la doortay.

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed oo madasha ka hadlay, ayaa si ballaadhan uga mahadnaqay qurba-joogga ku abtirsada KULMIYE oo uu ku ammaanay doorka wayn ee ay ka ciyaareen sidii xisbigu mar kale ugu guulaysan lahaa talada waddanka iyo weliba kaalinta mugga leh ee ay weligoodba kaga soo jireen guulihii kala dambeeyey ee xisbiga KULMIYE kasoo hooyey doorashooyinkii kala duwanaa ee dalka ka dhacay ee ay ugu dambaysay midda lagu doortay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayn, Madaxweynaha shacabka reer Somaliland doorteen Md. Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey madaxda laamaha dibadda ee KULMIYE iyo taageerayaasha dalalka dibadda, ayaa tilmaamay doorka shariifka ah ee ay qurba-joogga reer Somaliland kaga jiraan guud ahaan qaranimada Somaliland iyo dhisamaha dalka, waxaannu yidhi, “Qurba-jooggu dadka dalka jooga waxay dheer yihiin inay qoysaska wax taraan oo ay dhaqaale ahaan caawiyaan, waxa kale oo aynu ognahay inay Ictiraaf-raadinta, bannaanbaxyada iyo hawsha ay ku jiraan aanay kuwa gudaha joogaan gelin, badankoodu qiimaheeda iyo juhdiga aad ku bixisaan aanay garanaynin, aqoon iyo ilbaxnimaad keentaan oo xataa kiina aan jaamacad gelin ilbaxnimo xisbinimo iyo dawladnimo leh ayuu keenaa oo uu dalka ka caawiyaa.”

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu qurba-joogga xasuusiyey in inkastoo ay yihiin hawlwadeenno iyo taageerayaal xoog iyo tamarba galiyey guusha xisbiga KULMIYE, haddana uu maanta yahay Madaxweyne Qaranka oo si caddaalad iyo sinnaan ah ugu shaqaynaya qaranka, sidaa darteedna ay ku qaddariyaan go’aamada uu qaadanayo.

“Waxa aad ii doorateen ra’yigaaga ku soco oo meel hagaagsan na gee, laakiin qaadan karimaayo waan ku doortaye taladayda yeel, imisaan taladooda yeelaa? Waxa kale oo aan qurba-joogga iyo kuwa gudahaba ka codsanayaa colool-adaygu waa waxa lagula ag joogo, dadka ku ag joogaa haddii ay ku yidhaahdaan sax baad tahaye arrintaas ku soco waad soconaysaa, laakiin haddii intii aad isku xisbiga ahaydeen ee aad isku mabda’a ahaydeen midba habeen kuu soo duso oo uu gacanta ku yara qabto bani’aadam uun baad tahay, taasna ku socon karimaayo,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waxa kaloo Madaxweynaha cusub uu sheegay in lagu taageero go’aamada uu ku soo dhisayo xukuumadda cusub ee la filayo inuu dhawaan soo dhiso, isla markaana lagu samro qallinkiisa, laguna wada qanco fulinta wixii loo wada halgamay oo ahayd sarraynta sharciga, isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Wixii aynu ku heshiinay ee ahayd sharcigu ha sarreeyo, go’aan halla qaato oo dawladda halla wanaajiyo in aynu ka wada midownaa wanaagsan, toddobaadyada soo socdana waa markii dawladda la magacaabayaye ninkii sida uu doonayo waayow waxba ha niyad-jabin, qof baa kula wanaagsan oo aad is leedahay wax walba wuu qabanayaaye mid aanad ka filaynin haddii ay gacantu igaga dhacdo kulamaan aqoon oo adiga ma ihiye ha ila yaabin wax hagaaji uun is leeyahaye.”