Madaxweynaha Somaliland Oo Booqasho Ku Tegay Dekeda Jabuuti Iyo free zone-ka Ka Caagan Cashuuraha, Iyadoo Shahaado Sharaf Lagu Maamuusay Madaxweynaha JSL

0
424

Madaxweynaha Somaliland Oo Booqasho Ku Tegay Dekeda Jabuuti Iyo free zone-ka Ka Caagan Cashuuraha, Iyadoo Shahaado Sharaf Lagu Maamuusay Madaxweynaha JSL

Jabuuti(WSN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo xubnihii ka midka ahaa weftigiisa ayaa booqday dekeda Dooraale iyo dekeda shiinuhu maalgeliyay ee Jabuuti iyo xarunta free zone-ka oo ah mid ka caagan cashuuraha oo ay maraan xammuulka iskaga gudba dalalka caalamka ee xidhiidhka ganacsi la leh Jabuuti.

Kormeerkan madaxweynuhu ku marayey free Zone-ka ayaa waxa uga warbixiyey una sharxay Agaasimaha xarunta free zone-ka Jabuuti, Md. Abubakar Cumar Xadi oo madaxweynaha Somaliland u sharaxey sida meeshani u shaqeyso iyo adeegyada ay qabato, iyagoo kulan ku wada qaateen xaruntaas, madxweynaha iyo agaasimuhu.

Markii kulankaasi soo dhamaadayna waxa uu madaxa xaruntaasi madaxweynaha Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi ku sharfay kuna maamuusay hadyad sharafeed uu gudoonsiiyay madaxweynaha taaso ka turjumaysay booqashada dhiirigalinta ah ee uu ku yimi xaruntooda.

Geesta kale Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo waftigiisu waxay booqdeen dekeda ugu weyn Jabuuti ee Dooraale, halkaas oo ay indho indheeyeen sida ay u shaqeyso dekedaasi waxaana taafaasiil ka siiyay weftiga Madaxweynaha masuuliyiinta xaruntaas gacanta ku haya.

Madaxweynaha Somaliland oo sii watay socdaalkiisa uu ku gaalaa bixiyay xarumaha muhiimka ah ee caasimada Jabuuti iyadoo ay hoggaaminayaan madaxda iyo masuuliyiinta ay khusayso ee dalka Jabuuti waxa kale oo uu booqday dekeda cusub ee dalka shiinuhu maalgliyey ee caasimada Jabuuti ku taalla, taasoo hawlo muhiim ah u qaban doonta mandaqadan geeska Afrika.