Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qaybgalay Xaflada Qalinjebinta Dufcadii 13aad Ee Ka Baxday Jaamacada Hargeysa, Xadhigana Ka Jaray Mashaariic Kala Duwan Oo Ka Hirgalay Gudaha Jaamacada, Khudbadna U Jeediyey Ardaydaasi Oo Dhamaa 862 + Sawiro

0
402

Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qaybgalay Xaflada Qalinjebinta Dufcadii 13aad Ee Ka Baxday Jaamacada Hargeysa, Xadhigana Ka Jaray Mashaariic Kala Duwan Oo Ka Hirgalay Gudaha Jaamacada, Khudbadna U Jeediyey Ardaydaasi Oo Dhamaa 862.

Hargeysa(WSN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa ka qaybgalay Xaflada qalinjebinta Jaamacada Hargeysa oo ay maanta 04/09/2016, ka qalinjebiyeen dufcadii 13aad ee wax ka barata sanadihii u dambeeyey, ardayaasoo tiradoodu dhamayd 862, kana qalinjebiyey kulliyadaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Jaamacadu.

Xaflada Qalinjebinta Ardayda dhamaysay waxbarashadii Jaamacada ee uu madaxweynuhu ka qaybgalay ayaa markii uu soo gaadhay xayn daabka Jaamacada oo ay ku sugnaayeen waalidiin iyo dadweyne tiro badan oo halkaasi ku sugayey inay arkaan ubadkii ay mudada ku soo tabcayeen maantana dhamaystay aqoonta heerka koowaad ee waxbarashada Jaamacada (Degree), waxaanay sacab iyo sawaxan ku qaabileen madaxweynaha qaran oo ay wehelinayeen masuuliyiin kala duwan kana mid ahaa gudoomiyaha xisbi xaakimka kulmiye, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaanu madaxweynuhu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka booliska gaar ahaan ciidanka Bonboyda oo halkaasi ku sugnaa, ka dibna madaxweynuhu waxa uu u gudbay hoolkii ay ka socotay xaflada qalinjebintu.

Markii uu mdaxweynuhu halkaasi gaadhay waxa si toosa loo gudo galay ujeedada munaasibada waxaana hadalo halkaa ka jeediyey, Maamulka Jaamacada, macalimiinta, xubno ka mida waalidiinta iyo gudida sare ee jaamacada hargeysa, waxa kale oo halkaa ka hadlay masuuliyiinta xisbiyada qaranka oo ay ka joogeen Xisbiga Kulmiye, Gudoomiye Muuse Biixi iyo Waddani oo isna uu u hadlay Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, iyo Gudoomiyaha Maxkamada sare garyaqaan Aadan Xaji Cali Axmed, Wasiiru-dawlaha waxbarashada Somaliland Mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo madaxweynaha ku soo dhaweeyey hadalka, madaama oo uu hawlo shaqo ku maqnaa wasiirkii wasaaradda waxbarashadu, dhamaantoodna masuuliyiintaasi waxay ardayda u jeediyeen khudbado ay ugu hambalyeynayeen xaflada qalinjebinta awgeed.

Madaxweynaha Somaliland oo gunaanadkii munaasibada khudbad u jeediyey ardayda qalinjebisay ayaa yidhi “farxad weyn bay ii tahay in aan maanta ka soo qaybgalo xaflada qalinjebinta Ardayda maanta ka baxday Jaamacada Hargeysa University, waa arrin aad iyo aad u weyn, aad iyo aadna waan ugu hambalyeynayaa Ardyda, Macalimiinta, Shaqaalaha iyo intii la shaqaynaysayba, tacliintu waa waxyaalaha ugu waa weyn ee dawladdeenu ku dedaalayso weeye, waxyaalaha ugu waa weyn ee qarankani u baahan yahay weeye, waxyaabaha horumarkeena iyo horu-socodka, dadkeenna iyo dalkeenna anfacaya weeye, aad iyo aad ayaan idinku mahadinayaa oon idinku hambalyeynayaa insha Allaa halkaana waynu ugala sii dhawaan doonaa ee dadaalkiina ha ka caajisina”.

Madaxweynuhu waxa uu shahaadooyin gudoonsiiyey ardaydii ugu saraysay faculty-gii ay dhigan jireen iyo guud ahaanba ardaydii ugu sareeyey Jaamacada Hargeysa University, Waxa xusid mudan oo uu madaxweynuhu shahaado sharaf ay maamulka jaamacada Hargeysi u garteen uu madaxweynuhu gudoonsiiyey ardaygii ugu dedaalka badnaa jaamacada oo ahaa arday aanu laxaadkiisu dhamayn balse kaalin muhiima ka ciyaaray sidii uu ula tartami lahaa ardaydaa uu ka midka ahaa kana qalinjebiyey maanta jaamacada Hargeysa. Waxa isna Shahaadada PHD, la gudoonsiiyey oo ay ku maamuustay Jaamacada Hargeysa University, Odayga Qaranka Somaliland ugu da’a weyn Xildhibaan, Oday Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdiwaraabe) oo ay ku qiimeeyeen, doorka muuqda ee uu ku leeyahay xaajigu arrimaha nabadaynta iyo waayo aragnimada uu marwalba ku xaliyo xaaladaha la soo dersa dalka, isla markaanu uu madaxweynuhu gudoonsiiyey xaajiga.
Ugu dambayntii madaxweynuhu waxa uu kormeer ku soo maray, xadhigana ka jaray qaybo cusub oo lagu soo daray Jaamacada Hargeysa University.

DSC_0000

DSC_0001

DSC_0002

DSC_0003

DSC_0004

DSC_0025

DSC_0033

DSC_0039

DSC_0040

DSC_0042

DSC_0051

DSC_0056

DSC_0057

DSC_0058

DSC_0074

DSC_0077

DSC_0079

DSC_0083

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

DSC_0099

DSC_0102

DSC_0108

DSC_0109

DSC_0110

DSC_0111

DSC_0114

DSC_0116

DSC_0119

DSC_0127

DSC_0128

DSC_0132

DSC_0136

DSC_0139

DSC_0140

DSC_0145

DSC_0154

DSC_0161

DSC_0167

DSC_0173

DSC_0187

DSC_0200

DSC_0202

DSC_0206

DSC_0213

DSC_0215

DSC_0217

DSC_0220

DSC_0227

DSC_0231

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

DSC_0235

DSC_0240

DSC_0246

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

DSC_0279

DSC_0281

DSC_0284

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

DSC_0299

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

DSC_0372

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

DSC_0509

DSC_0513

DSC_0522

DSC_0538

DSC_0539

DSC_0540

DSC_0543

DSC_0548

DSC_0551

DSC_0563

DSC_0567

DSC_0573

DSC_0578

DSC_0579

DSC_0590

DSC_0594

DSC_0599

DSC_0600

DSC_0606