Madaxweynaha Somaliland Oo Salaadii Jimce Maanta Shacbiga Ceerigaabo Kula Tukaday Masjidka Al-Taqwa ee Magaalada Ceerigaabo
Ceerigaabo(WSN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, oo ku sugan Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag kuna guda jira safarkiisi la magac baxay Tabantaabo oo maantii todobaad madaxa la galay ayaa saladii jimcaha la tukaday shacbiga ku dhaqan magaalada ceerigaabo.
Sheekh Maxamed Aadan oo isagu ahaa khadiibka masjidka tujiyey maanta ayaa shacbiga ku dhaqan Somaliland guud ahaa ugu duceeyey in Alle raxmaadkiisa u shubo abaartana ka jebiyo, waxaanu xusay in socdaalka madaxweynuhu salka ku hayo xaalada abaarta.
Madaxweynaha oo dadweynaha kula tukaday masjidka Al-taqwa ayaa markii salaada laga baxay laamiyada magaalada soo dhex maray, shacbiguna ay tubnaayeen wadooyinka madaxweyahana ay u muujiyeen dareen wanaagsan oo wadanimo, maxaa yeelay waxa uu noqday madaxweynihii u horeeyey ee gobolka ugu socodka badnaa intii uu talada dalka hayey.