Madaxweynaha Somaliland oo Shacbiga iyo Waxgaradka Somaliland ka tacsiyadeeyey geerida Marxuum Ibraahim Xasan Aadan

0
371

Madaxweynaha Somaliland oo Shacbiga iyo Waxgaradka Somaliland ka tacsiyadeeyey geerida Marxuum Ibraahim Xasan Aadan
TACSI MADAXWEYNE-21/05/2016
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Hargeysa(Warsugannews)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Odayaasha, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, qaraabadii, ehelkii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Ibraahim Xasan Aadan oo ku geeriyooday 19,05, 2016 Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay oday qaran oo ka baxay shacbiga iyo dalkaba, kaalin muhiimana kulahaa, nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, waxanu madaxweynuhu si gaar ah uga tacsiyadaynayaa Marxuumka Xildhibaan Axmed Xasan Aadan (Waysa-cadde) oo ay marxuumka walaalo ahaayeen.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.