Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray Shacbiga iyo Eheladii uu ka baxay Marxuum Cismaan Hindi

0
404

TACSI MADAXWEYNE-18/09/2016
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Hargeysa(WSN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo kan shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa, Siyaasiyiinta, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi) oo ku geeriyooday Ingiriiska Maanta 18/09/2016.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey siyaasi magac iyo maamuus ku dhex lahaa dalka iyo shacbiga Somaliland, isla markaana xilal kala duwan ka soo qabtay xisbigii UDUB iyo xisbiga KULMIYE, isagoo door muhiimana ka soo qaatay hawlihii dib-u-dhiska iyo horumarka dalka Somaliland, kana mid ahaa ganacsatada dalka maalgelinta ku sameeyey.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Siyaasiyinta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.