telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Madaxweynaha Somaliland oo xafiiskiisa ku qaabiley Amb. Mehmet Yilmaz oo ka socda dalka Turkiga oo booqasho ku yimid Dalka + Sawiro

Madaxweynaha Somaliland oo xafiiskiisa ku qaabiley Amb. Mehmet Yilmaz oo ka socda dalka Turkiga oo booqasho ku yimid Dalka
January 08 2019 (WMG-Hargeysa)-WAR-SAXAAFADEED: 07/01/2019-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Amb. Mehmet Yilmaz oo ka socda dalka Turkiga oo booqasho ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.
 
 
Kulankan, ayaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee u dhexeeya labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Turkiga iyo ballaadhinta mashaariicda horumarineed ee ay Turkigu ka wadaan gudaha dalka.
 
 
waxa kale oo kulanka lagu lafo guray qodobbo ay ka mid yihiin deeqaha waxbarasho ee Turkigu siiyo Somaliland sidii kor loogu qaadi lahaa. Waxaanu kulankaasi ku soo dhammaaday is fahan buuxa.
 
 
Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinaayey wasiirradda arrimaha dibeda iyo Horumarinta caafimaadka.
 
  
ALLAA MAHAD LEH
 
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

279 total views, 0 views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins