Madaxweynaha Soomaaliya oo Abu Dhabi kula kulmi doona Madaxda Imaaraadka Carabta

0
305

Madaxweynaha Soomaaliya oo Abu Dhabi kula kulmi doona Madaxda Imaaraadka Carabta

Abu Dhabi (Warsugannews) Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafti uu horkacayo ayaa gaadhay magaalada Abu Dhabi ee xarunta dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaa oo ay uga bilaabatey booqasho rasmi ah.

Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa martiqaad rasmi ah ka heley Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Khalifa bin Zayed Al Nahyan, waxaana maalinta beri bilaabanaya kulamo kala duwan oo la xidhiidha xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in booqashadan ay ka tarjumeyso xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal, iyo doorka wanaagsan ee ay mar walba Dowladda Imaaraadka Carabta ka geysato arrimaha Soomaaliya.

Waftiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibedda Cabdisalaam Hadliye Cumar, Wasiirka Gaadiidka Dhulka iyo Duulista Hawada, Cali Axmed Jaamac (Jangeli) iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan.

Warsugannews
Warsugamedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here