Madaxweynaha Soomaaliya oo gaadhay magaalada Milano ee dalka Talyaaniga + Sawirro”

0
294

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaadhay magaalada Milano ee dalka Talyaaniga, halkaasoo si diirran loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa in magaalada Milano ay uga qeybgalaan Bandhig caalami ah oo la xidhiidha maalgashiga, laguna soo bandhigi doono fursadaha maalgashi ee xilligan ka jira dalka Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa magaalada Milano waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay madax ka tirsan dowladda Talyaaniga iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan halkaasi.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ka qeybgalaya shirka maalgashiga caalamiga ah ee maanta ka furmaya magaalada Milano ee dalka Talyaaniga, waxaana lagu wadaa in madaxweynaha uu la kulmidoono dhiggiisa dalka Talyaaniga iyo madax kala duwan oo halkaasi ku sugan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here