Madaxweynaha Talyaaniga oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya

0
299

waaxa diyerya yaasir br
Danjiraha cusub ee ay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u magacowday dalka Talyaaniga ayaa Madaxweynaha dalkaasi maanta u gudbiyay Warqadahiisa Aqoonsiga ee safiirnimo.Munaasabad ka dhacday xarunta Madaxtooyada dalka Talyaaniga ee Magaalada Roma, ayaa lagu qaabilay Safiirka cusub ee Soomaaliya oo lagu magacaabo C/raxmaan Sheekh Ciise.Madaxweynaha Talyaaniga Sergio Matarella ayaa waxa uu Danjire Cabdiraxmaan ka guddoomay Dhambaal uu ka siday Madaxweynaha dalka Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud.

Matarella ayaa u balan qaaday Safiirka cusub ee Soomaaliya inuu wanaajin doono xiriirka Dowladda Soomaaliya iyo kan Talyaaniga, uuna safiirka cusub u rajeynayo shaqo wacan

Danjire Cabdiraxaman Sheekh Ciise, ayaa isagana dhankiisa Madaxweynaha dalka Talyaaniga Sergio Matarella ugu warbixiyay xaaladda uu iminka ku sugan yahay dalka Soomaaliya, iyo sida ay Dowladiisa ugu qanacsan tahay taageerada Talyaaniga uu siiyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.